Iiraan Oo Dil Ku Fulisay Laba Nin oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo

Warbaahinta garsoorka Iiraan ayaa sheegtay in labo nin oo lagu helay dambiyo la xiriira basaasnimo iyo qorsheynta weerarro gudaha dalka lagu fuliyay dil toogasho ah maalintii shalay oo Axad ahayd.
Wakaaladda wararka ee Mizan ayaa sheegtay in raggan, oo lagu kala magacaabo Mohammad Masoum Shahi iyo Hamed Validi, lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen shabakad basaasiin ah oo xiriir la leh hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.
Sida lagu sheegay warbixinta, eedeysanayaashan ayaa la tuhunsanaa inay tababar ku soo qaateen dibadda, gaar ahaan gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, iyagoo la sheegay inay diyaarinayeen falal amni darro oo ay ka fuliyaan gudaha Iiraan.
Maxkamadaha Iiraan ayaa ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin “aflagaadooyin ka dhan ah Ilaahay” iyo wada-shaqeyn ay la yeesheen kooxo cadow ah. Xukunnada dilka ah ayaa sidoo kale ay ansixisay Maxkamadda Sare ee dalka Iiraan ka hor inta aan la fulin, sida ay sheegtay Mizan.









