Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    LATEST NEWS

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    Banaadir24By Banaadir248 November 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Muqdisho (Banaadir24) — Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo si dhow ula safan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa jeediyay hadallo kulul oo xambaarsan eedeymo siyaasadeed iyo digniino culus, isagoo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

    Wasiirka ayaa sheegay in markii hore ay shacabka Soomaaliyeed uga digeen waxa uu ku tilmaamay qorshe uu Xasan Sheekh ku doonayay inuu Koonfur Galbeed ku hoos geeyo awoodda Villa Soomaaliya, isagoo xusay in dad badan aysan xilligaas rumeysan digniinahooda, balse uu sheegay in xaaladda maanta taagan ay muujineyso xaqiiqada arrintaas.

    Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan hay’adaha dowladda federaalka, gaar ahaan loollanka la xiriira Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isagoo ku dooday in dalka uusan lahayn dowlad qaran oo si dhab ah u shaqeyneysa, isla markaana hay’adaha dowladda loo adeegsanayo dano siyaasadeed oo ku saleysan qabiil.

    Dhanka kale, wasiirka ayaa digniin toos ah u diray Liibaan Shuluq oo uu ku eedeeyay inuu dhaqaale kasoo gala ganacsiga qaadka u adeegsanayo falal uu sheegay in lagu wiiqayo xasilloonida iyo jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed.

    “Liibaan waan ku naqaannaa, waxaan ognahay dhaqaalaha aad qaadka ka hesho iyo sida aad ugu maalgelinayso qorshayaal lagu burburinayo Koonfur Galbeed. Ficilladaas cawaaqibkooda waad wajihi doontaa,” ayuu yiri wasiirku.

    Wasiirka ayaa intaas ku daray in Koonfur Galbeed maanta aysan ahayn maamulkii hore ee la weerari jiray, isagoo si adag u sheegay in xaaladda maanta ay ka duwan tahay sidii ay ahaan jirtay waayihii hore.

    Taageero loo muujiyay Ugaas Yuusuf

    Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale taageero buuxda u muujiyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, oo ah hoggaamiyaha dhaqanka ugu sarreeya ee beesha Xawaadle, kaddib dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo baaqyada uu ka jeediyay gobolka Hiiraan.

    Wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed ay garab taagan tahay Ugaaska, isagoo xusay in ciidanka Daraawiishta maamulka ay diyaar u yihiin inay fududeeyaan safarka iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka ee doonaya inay gaaraan magaalada Beledweyne.

    Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamullada qaar, iyadoo xiisadda Hiiraan ay hadda isku xirayso hoggaamiyeyaasha dhaqanka, ciidamada dowladda, maamullada gobollada iyo loollanka siyaasadeed ee dalka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleCiidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo si dhow ula safan Madaxweyne…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d