Dowladda Oo Ciidamo Xooggan Geysay Kaaraan & Qorshayaasha Mucaaradka Oo Fashil Wajahaya

Waxaa xalay ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo cutubyo hubeysan iyo madaafiic culus lagu arkay goobo istiraatiiji ah oo kamid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Ilo milatari ayaa Banaadir24, u sheegay in dhaqdhaqaaqan milatari uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo dowladda ay ku xoojinayso gacanta ay ku hayso degmooyinka muhiimka ah ee caasimadda, xilli ay jiraan walaacyo la xiriira suurtagalnimada qalalaase amni ama kala jabka ciidamada oo laga cabsi qabo in qaarkood ay la saftaan siyaasiyiinta Mucaaradka kana soo horjeestaan muddo kororsiga uu qorsheeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, kordhinta joogitaanka ciidamada ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu soo dhow yahay waqtiga la filayo inuu ku egyahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku eg 15-ka May 2026.
Xaaladdan ayaa sii kordhisay hubanti la’aanta ka jirta Muqdisho, iyadoo xiisadaha siyaasadeed iyo welwelka amni ay weli sii xoogeysanayaan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku hanjabaya inaysan jiri doonin wax kororsi ah oo uu sameyn karo Madaxweynaha halka madaxweynaha uu qorsheeyay inuu qaab milatari kaga hortago cid kasta iyo koox kasta oo isku dayi doonta qalqal galinta xasilloonida caasimadda oo ay dowladda federaalka ammaankeeda si weyn u badashay ugana dhigtay mid Kamid caasimadaha ugu ammaanka badan caalamka.
Dowladda ayaa ciidamo horey u geysay qaar kamida gobollada dalka si looga hortago abaabul ay soo sameeyaan siyaasiyiinta mucaaradka ah.









