Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab u diray Siyaasiyiinta mucaaradka iyo jawaab layaab leh oo ay siiyeen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu isku dayay inuu la xiriiro qaar kamid ah xubnaha mucaaradka, gaar ahaan kuwa ku mideysan Madasha Samatabixinta ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha ayaa ka codsaday xubnahan inuu ku booqdo guryahooda si loo furo wadahadal siyaasadeed, balse xubnahaasi ayaa si cad u diiday dalabkaas. Waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu horay u xiray albaabadii wadahadalka, isla markaana aysan jirin jawi muujinaya kalsooni iyo diyaar u ahaansho wada hadal dhab ah.
Xubnaha uu Madaxweynaha la xiriiray ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha uu doonayo inuu isu muujiyo hoggaamiye diyaar u ah wadahadal, xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo eedeymaha ku saabsan dhul-boobka. Arrimahan ayaa si weyn u hadal haynaya bulshada iyo siyaasiyiinta.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay inay wadaan abaabullo iyo qorshayaal ay kaga hortagayaan waxa ay ku tilmaameen damaca Madaxweyne Xasan Sheekh ee muddo kororsi. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Villa Soomaaliya ay sidoo kale dadaal xooggan ku bixineyso sidii ay u hirgelin lahayd qorshaheeda la xiriira muddo kororsi.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo ay jiraan baaqyo ku aaddan in la helo wadahadal dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira si looga fogaado xiisado hor leh.









