Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada gaashaandhigga iyo amniga, iyo sidoo kale hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee dalka ka socda.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay waajibaadka iyo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM, iyo muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka kala-guurka amniga uu noqdo mid qorsheysan, isku-dubbaridan, kuna saleysan awoodda iyo diyaargarowga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday wareejinta saldhiggii hore ee ciidamada AUSSOM ee magaalada Baraawe, kaas oo ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sharraxaad ka bixiyay hawlgallada milatari ee lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo kooxaha gacan-saarka la leh, kuwaas oo khatar ku ah amniga Soomaaliya, xasilloonida gobolka iyo nabadda caalamka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, awoodna u leh inuu si buuxda u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta awoodda ciidamada, taageerada hawlgallada iyo horumarinta awoodda difaaca dalka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan hawlgallada ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo argagixisada laguna xaqiijinayo nabad iyo amni waara.
