Muqdisho (Banaadir24) — Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu shalay galab ka dhacay agagaarka deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Iska horimaadka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo dhawaan kasoo laabtay deegaanka Aw-Yasin Jameeco iyo maleeshiyaad jidgal u dhigay oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ciidamadu isku dayayeen inay gaaraan aagga howlgallada, si loo sii wado baadigoobka xubno la tuhunsan yahay inay dhaawac ku yihiin goobihii dagaalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamadan oo u badnaa kuwa tababarro gaar ah soo qaatay ay la kulmeen weerar gaadmo ah, kaasoo sababay khasaare, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadii weerarka la kulmay ay dib ugu laabteen saldhigyadoodii Balidoogle iyo duleedka Wanlaweyn.
Dhanka kale, howlgalka Banooda oo la qorsheynayay in la fuliyo toddobaadkii hore ayaa weli dib u dhac ku yimid. Dowladda Federaalka ayaa iyaduna qiratay inuu jiro dib u dhac ku yimid howlgalka, iyadoo sabab uga dhigtay isbeddelka xaaladaha cimilada.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli uu mugdi ku jiro waqtiga rasmiga ah ee dib loo bilaabayo howlgalka Banooda, iyadoo iska horimaadka agagaarka Leego uu muujinayo caqabadaha amni ee hortaagan dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee aaggaas.
Banaadir24 Online
