Hadal Gilgilay Dunida: Trump Oo Sheegay In Iran La “Tirtirayo” Haddii Ay Diido Heshiis

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale adkeeyay hanjabaaddiisa ah in uu “baabi’in doono” kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Iran, haddii Tehran aysan aqbalin shuruudaha uu hor dhigay ka hor 8-da fiidnimo ee waqtiga Washington maalinta Talaadada.
Trump ayaa sheegay in bartilmaameedyada suurtagalka ah ay ka mid noqon karaan nidaamyada tamarta, isgaarsiinta iyo biyaha ee Iran, taas oo sare u qaadaysa walaaca caalamiga ah ee ku aaddan saameynta ay arrintan ku yeelan karto shacabka rayidka ah.
Ilaa hadda, dowladda Iran ayaa si cad u diiday dalabyada Trump, iyadoo ku adkeysaneysa inay weli leedahay awood iyo saameyn ay ku wajahdo dagaalka socda.
Isagoo la hadlayay warbaahinta xilli uu ka qeyb galayay munaasabadda sanadlaha ah ee Easter Egg Roll ee Aqalka Cad, Trump ayaa yiri: “Waxaan burburineynaa dalkaas, waanan necbahay inaan sidaas sameeyo, balse waan burburineynaa, iyaguna ma doonayaan inay is dhiibaan. Ma rabaan inay qirtaan guuldarro, balse way sameyn doonaan. Haddii kale, ma yeelan doonaan buundooyin, ma yeelan doonaan warshado koronto, waxba ma yeelan doonaan.”
Mid ka mid ah weriyeyaasha ayaa su’aal ka keenay haddii tallaabooyinkaas ay noqon karaan dambiyo dagaal, isagoo weydiiyay: “Sidee tani u noqon weyday dembi dagaal?”
Trump ayaa ku jawaabay: “Sababtoo ah waxay dileen 45,000 oo qof bishii la soo dhaafay,” isagoo eedda dusha ka saaray dowladda Iran.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro hay’ad madax-bannaan oo xaqiijisay tiradaas. Tirakoobka rasmiga ah ee Iran ayaa sheegaya in ku dhowaad 4,000 oo qof ay ku dhinteen dibadbaxyadii waaweynaa ee dalkaas ka billowday bishii Janaayo, kuwaas oo ay ku jireen askar boolis ah.
Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay dowladda Iran “xayawaan”, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo. Wuxuu intaas ku daray in shacabka Iran ay doonayaan xorriyad, isla markaana ay u arkaan maqalka qaraxyada inuu yahay dariiq ay ku gaari karaan.
Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa hadda galay toddobaadkiisii toddobaad, iyadoo xaaladda ay sii cakirmeyso.
Heshiisyada Geneva ee sanadkii 1949 ayaa si cad u mamnuucaya in la beegsado kaabayaasha muhiimka u ah nolosha rayidka, sida biyaha, korontada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.









