Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyay Duleedka Baydhabo iyo Xaaladda oo…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyaad si culus u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay duleedka magaalada, gaar ahaan deegaanka Bay-Buurjeed oo qiyaastii 12-kiloomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada.
Dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in saacadihii u dambeeyay ay jireen dhaq-dhaqaaqyo muuqda oo ay sameynayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo si abaabulan u maraya deegaannadaasi. Weli ma cadda ujeeddada dhabta ah ee dhaqdhaqaaqan, balse waxaa jira cabsi laga qabo in ay qorsheynayaan weerar toos ah oo ay ku qaadaan magaalada Baydhabo, ama ay isku diyaarinayaan inay beegsadaan ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan.
Ciidamadan dowladda oo dhawaan laga keenay magaalada Muqdisho, ayaa la filayo in ay dib ugu laabtaan caasimadda maalmaha soo socda.
Dhanka kale, warar goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in duqeymo dhinaca cirka ah laga fuliyay deegaannada Dadarow iyo nawaaxigeeda, halkaas oo lala beegsaday fariisimo looga shakisan yahay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ilaa iyo hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.
Xaaladda guud ee amniga Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran ayaa weli kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan walaac sii kordhaya oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada militari ee isa soo taraya.









