Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Warar laga helayo ilo amni iyo xog-ogaal madaxbannaan ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay eriday in ka badan 65 askari oo ka tirsanaa Guutada 77-aad ee ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo isugu jiray saraakiil iyo ciidan caadi ah. Tallaabadan ayaa la sheegay inay dhacday maalmihii Arbacada iyo Khamiista, waxana saraakiisha iyo ciidamadaas lagu beddelay kuwo cusub oo la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la tilmaamay in arrintan looga gol leeyahay ka hortagga suurtagalnimada gadood ama amar diido ay sameeyaan saraakiisha iyo ciidamada laga eryay Madaxtooyada maadaama muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026. Askarta iyo saraakiisha…
Taliyaha Ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal muran badan dhaliyay ka jeediyay doorkii dalalka shisheeye ay ku lahaayeen dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2011. Muhoozi ayaa sheegay in uu “kaligiis dagaal ka galay Muqdisho muddo afar sano ah,” isagoo tilmaamay in xilligaas ay taageero siiyeen oo keliya dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska. “Waxaan Muqdisho ku dagaallamay kaligay muddo afar sano ah, laga bilaabo 2007 ilaa 2011. Dalalka kaliya ee na caawiyay waqtigaas waxay ahaayeen Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska,” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray dhaliil uu u jeediyay Turkiga, isagoo sheegay in…
Kooxda Al-Shabaab ayaa maalintii shalay ahayd fagaare ku yaala degmada Jilib dil kula fulisay sideed ruux oo kooxda ay ku eedeeysay Basaasnimo iyo inay qeyb ka ahaayeen duqeyno ka dhacay deegaanada ay ka taliyaan oo lagu dilay xubno muhiima oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo kooxdaasi madax u ah. Warar soo baxaya oo laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in ragga ay Al-Shabaab toogatay uu ku jiray wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kaasoo lagu magacaabi jiray Muscab Anshax. Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, dilkan ayaa dhacay habeenimadii Khamiista,…
Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay hub, qaraxyo iyo hoobiyeyaal la doonayay in dalal amni darro looga sameeyo magaalada Muqdisho. Kadib xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayay xalay abaaro 23:40 PM ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Al-Shabaab rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidamada Booliiska Soomaaliya. Ciidamada amniga oo Sida la sheegay hayey xogta dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah. Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, xilli ay isku uruursanayeen nawaaxiga Tawarmooge, oo qiyaastii 8 km koonfur kaga beegan Caad, isla markaana 45 km woqooyi kaga beegan Xarardheere, ee gobolka Mudug. Duqayntan ayaa lala beegsaday fariisin ay kooxdu ku diyaarinaysay dhagar iyo weerarro ay ku doonaysay inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, si ay u carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka. Hawlgalkan waxaa lagu dilay qiyaastii 70 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka lagu dhaawacay inta u dhexaysa 90 ilaa 95 dhagarqabe.…
Duqeymo culus oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ayaa si lama filaan ah ugu dhacay goobo ganacsi iyo deegaano dadku aad u degan yihiin oo ku yaalla bartamaha magaalada Beirut, kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca in ka badan 1,000 kale, saacado yar kadib markii lagu dhawaaqay xabbad-joojin la xiriirta dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan. Hay’adda Difaaca Rayidka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 254 qof ay ku dhinteen halka 1,165 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii dhacay maalintii Arbacada. Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Rakan Nassereddine, ayaa sheegay in dalka uu wajahayo “xaalad aad u khatar badan oo…
Warar laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, oo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Lafta-Gareen, ay diideen inay ku biiraan hannaan ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya oo ka socda magaalada Baydhabo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meelo kala duwan oo ku yaalla duleedka magaalada, waxaana kamid ah deegaanka Awdiinle, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin iyagoo aan u hoggaansamin baaqyada uga imaanaya dowladda dhexe. Dadaallo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku doonayay in ciidamadan oo gaaraya boqolaal askari kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid dagaal lagu…
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulkaasi. Wareegtada ayaa lagu magacaabay Maxamed Xuseen Xasan (John) inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha, iyadoo lagu saleeyay dastuurka iyo baahida loo qabo xoojinta amniga iyo howlaha wasaaradda. Sidoo kale, wareegtada ayaa dhaqangashay isla maanta oo ay taariikhdu tahay 08 Abriil 2026, sida lagu caddeeyay qoraalka kasoo baxay xafiiska hoggaamiyaha.
Some members of both Houses of the Federal Parliament of Somalia, who have referred to themselves as the “Independent Parliament,” have strongly criticized the election of seat HOP#204, describing it as a process that violated the country’s laws and constitution. In a press statement issued by the lawmakers, they alleged that the seat, previously held by Isaaq Cali Subag, was unlawfully transferred to the Minister of Ports and Marine Transport, Abdulkadir Mohamed Nur Jama. The statement emphasized that the move contravenes provisions of the Provisional Constitution, particularly Article 59, and reflects interference and a disregard for the country’s legal framework.…