Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Faragelinta Dowladda Federaalka ee Koonfur Galbeed iyo Burburinta Nidaamka Federaalka
    OPINIONS

    Faragelinta Dowladda Federaalka ee Koonfur Galbeed iyo Burburinta Nidaamka Federaalka

    Banaadir24By Banaadir244 April 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Duullaankii ay Dowladda Federaalka ku soo qaadday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo adeegsanaysa awood ciidan iyo amarro ka baxsan habraacyada dastuuriga ah, wuxuu si toos ah u sababay burburinta maamulkii sharciyadda ku dhisnaa ee dowlad-goboleedkaas, isla markaana wuxuu abuuray xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni.

    Tallaabadan ma aha oo kaliya mid ka hor imaanaysa sharciga, balse waa mid si weyn u dhaawacaysa jiritaanka nidaamka federaalka iyo dowladnimada dalka.

    Koonfur Galbeed waa dowlad-goboleed si sharci ah u dhisan, kuna saleysan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, leh hay’ado fulineed iyo sharci-dejin oo si nidaamsan u shaqeynayay.

    Hase yeeshee, waxaa si cad u muuqata in maamulkeedii sharciyadda ku dhisnaa si ula kac ah loo wiiqay lana burburiyay, iyadoo la kala diray hay’adihii dowliga ahaa, laguna beddelay amarro iyo go’aanno aan lahayn saldhig dastuur, kana imanaya meel ka baxsan nidaamka federaalka.

    Dowladda Federaalka ayaa si toos ah ula wareegtay awoodihii dowlad-goboleedka, taasoo keentay in magacabisyo sharci-darro ah laga sameeyo dhammaan heerarka maamulka laga bilaabo heer degmo ilaa heerka ugu sarreeya ee fulinta.

    Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hoggaanka sare ee maamulka ayaa si toos ah looga soo magacaabay xarunta dhexe, arrintaas oo si cad u baabi’inaysa mabda’a is-maamul ee dowlad-goboleedyada, kuna xadgudbaysa kala sarreynta awoodaha ee dastuurku qeexayo.

    Ficilladan waxay si cad uga hor imaanayaan mabaadi’da aasaasiga ah ee federaalka, kuwaas oo dammaanad qaadaya madax-bannaanida maamul ee dowlad-goboleedyada iyo awooddooda ku aaddan maareynta arrimahooda gudaha. Faragelinta noocan ah waxay burburinaysaa kala dambeyntii dowladeed, waxayna si weyn u dhaawacaysaa kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah.

    Adeegsiga ciidamada Dowladda Federaalka ee lagu faragelinayo arrimaha Koonfur Galbeed wuxuu sababay amni darro baahsan. Dhaqdhaqaaqyada militari waxay saameyn toos ah ku yeesheen shacabka rayidka ah, iyagoo keenay barakac, hakad ku yimid adeegyada aasaasiga ah, iyo burbur ku yimid xasilloonidii deegaanka. Taasina waxay sii xoojisay fowdada, jahawareerka maamul iyo kala-daadsanaanta hay’adaha.

    Isbeddelka aan loo marin dariiq sharci ah wuxuu meesha ka saaray nidaamkii dowladeed ee ku dhisnaa sharciyadda, isagoo beddelay hannaan ku tiirsan amar iyo awood aan dastuur ku dhisnayn. Tani waxay sii kordhisay khilaafaadka siyaasadeed, waxayna halis gelinaysa xasilloonida guud ee dalka.

    Waxaa sidoo kale isa soo taraya walaaca laga qabo jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay muuqato in ay jiraan dadaallo uu wado Madaxweyne Xassn oo horseedi kara wiiqista ama burburinta nidaamkii federaalka ee soomaalida ku heshiiyeen.

    Nidaamka federaalka ah waa natiijada heshiis qaran oo lagu dhisay wada-tashi, tanaasul iyo rabitaan lagu badbaadinayo midnimada iyo dowladnimada dalka.

    Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah oo adag looga hortago jihada siyaasadeed ee halista ku ah nidaamka federaalka.

    W/Q: Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDowladda Soomaaliya oo soo farogelisay tallaabadii Mareykanka cunaqabateynta ku saaray Aadan Madoobe..
    Next Article Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo Maanta war cusub ku dhawaaqaya
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus ka soo saartay iskaashi militari iyo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d