LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sababta qarsoon ee Mareykanka Fiisaha ugala laabtay mas’uuliyiinta Soomaaliya

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tiro ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqsiyaad si dhow ula xiriira Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, laga laalay fiisooyinkii ay u haysteen dalka Mareykanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in dadka ay arrintan saameysay ay ka mid yihiin:

  1. Adan Mohamed Nur Madobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka
  2. Yusuf Hassan Isak, mas’uul sare oo soo noqday Agaasime Guud ee Wasaarado kala duwan, haatanna ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
  3. Saleiman S. Umar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda
  4. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
  5. Wiilka Madaxweynaha
  6. Gabadha Madaxweynaha
  7. Wasiiro iyo wasiir ku-xigeenno ku dhow Madaxweynaha
  8. Xildhibaanno taageersan Madaxweynaha
  9. Agaasimayaal Guud oo kale oo la xiriira maamulka hadda jira

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkaasi la sheegay inay heleen ogeysiisyo rasmi ah oo loogu soo diray email, inkastoo aan wali si cad loo shaacin sababta rasmiga ah ee keentay tallaabadan.

Dhanka kale, waxaa jira sheegashooyin la xiriira in dacwooyin laga gudbiyay dowladda Federaalka ee hadda jirta, kuwaas oo la geeyay madallo sharci oo caalami ah. Eedeymaha la sheegay waxaa ka mid ah:

  • Ku xadgudubka xuquuqda aadanaha
  • Ku tumashada xuquuqda lahaanshaha hantida
  • Isticmaalka awoodda dowladda ee ka dhanka ah shacabka rayidka ah, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama dowladda Mareykanka oo ku saabsan arrimahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *