Xildhibaanad ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh arrimo halis ah oo ka socda Koonfur Galbeed

Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeedisay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu ku lug leeyahay falal rabshado ah oo ka dhan ah shacabka ku nool deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaannadda oo la hadashay warbaahinta Maxalliga ah ayaa sheegtay in si gaar ah loo beegsanayo shacabka rayidka ah ee ku sugan gobolka, iyadoo sidoo kale ay ku eedeysay dowladda inay adeegsato maleeshiyaad hubeysan oo Shabaab ah oo ku labisan dareeska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xildhibaannada ayaa sheegtay in kooxo hubeysan oo ay ku tilmaantay maleeshiyaad ay ku howlgalayaan magaca ciidanka qaranka, taasoo ay ku tilmaantay arrin halis ku ah kalsoonida shacabka iyo amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, waxay si kulul u dhaliishay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo su’aal gelisay mudnaanta uu siinayo arrimaha amniga dalka. Waxay ugu baaqday madaxweynaha inuu diiradda saaro xasillinta deegaannadiisa gaarka ah, gaar ahaan magaalooyinka Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud oo ay haatan gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
“Haddii madaxweynuhu awood u leeyahay inuu wax ka qabto amniga dalka, waa inuu ka bilaabaa deegaannadiisa,” ayay tiri xildhibaannadu, iyadoo tilmaantay in muhiimaddu ay tahay in laga guuro howlaha siyaasadeed ee Baydhabo laguna jeesto sugidda amniga gobollada dhexe.
Ugu dambeyn, xildhibaannada ayaa ka digtay in madaxweynaha uu wajahayo mucaaradad ka dhan ah joogitaankiisa magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in dhawaan lagu qasbi doono inuu ka baxo magaaladaas.









