LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada ATALANTA oo la wareegay Doonidii laga lahaa Iran ee gacanta ugu jirtay Burcad Badeeda

Ciidamada howlgalka badda ee ATALANTA ayaa ku guuleystay inay xoreeyaan doonta kalluumeysi ee lagu magacaabo ALWASEEMI, oo ay horay u afduubteen koox burcad-badeed ah, sida lagu sheegay war rasmi ah.

Doontan oo sida ray calanka dalka Iiraan ayaa ugu dambeyn ay ka tageen burcad-badeedda, kaddib markii cadaadis xooggan uu kaga yimid ciidamada ATALANTA, gaar ahaan dhanka waqooyi-galbeed ee xeebaha Soomaaliya. Howlgalkan ayaa mudnaanta koowaad siinayay badbaadada shaqaalaha doonta iyadoo la adeegsaday xeelad isku dhafan taasoo ka koobnayd dhaq-dhaqaaqyo ay sameeyeen maraakiibta iyo diyaaradaha howlgalka ATALANTA.

Sidoo kale, iskaashi dhow oo joogto ah oo lala yeeshay ciidamada booliska badda Soomaaliya ee ku sugan dhulka ayaa door weyn ka qaatay in lagu qasbo burcad-badeedda inay ka degaan doonta, islamarkaana ay sii daayaan shaqaalihii saarnaa.

Markii la xaqiijiyay xoreynta doonta, ciidamada ATALANTA ayaa fuulay markabka si ay u sameeyaan baaritaanno amni iyo hubin ku saabsan xaaladda shaqaalaha. Shaqaalihii saarnaa ayaa la siiyay gargaar ay ka mid yihiin cunto, biyo iyo daryeel caafimaad.

Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa uruuriyay caddeymo iyo xog muhiim ah oo la xiriirta dhacdadan, si loogu gudbiyo hay’adaha sharciga, looguna maxkamadeeyo kooxdii burcad badeedda ahayd ee falka ka dambeysay. Howlgalka ATALANTA ayaa weli si dhow ula shaqeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland, si loo hubiyo in dambiilayaasha cadaaladda la horkeeno.

Taariikhda Dhacdada:

24-kii Maarso, howlgalka ATALANTA ayaa helay warbixin sheegaysa in dooni kalluumeysi oo sidata calanka Iiraan la afduubtay, xilli ay ku sugnayd qiyaastii meel 400 mayl bari ka xigta magaalada Muqdisho. Qaabka ay u shaqeynayeen burcad-badeedda ayaa muujinayay inay doonayeen inay doonta u adeegsadaan “weeraro afduub ah, si ay uga howlgalaan badaha fog, una weeraraan maraakiib waaweyn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *