Dowladda Somalia oo war cajiib ah kasoo saartay Qorshaha shidaal qodista dalka

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay in ololaha ugu horreeya ee qodista shidaalka badda Soomaaliya uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamiga ah.
Qoraal uu soo saaray Axaddii, ayuu ku sheegay in haddii howlgalkaan uu guuleysto, ay si weyn u xoojin karto rajada Soomaaliya ee kobac dhaqaale oo ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah, isla markaana ay adkeyn karto doorka Turkiga ee ah saaxiib istiraatiiji ah oo muddo dheer la shaqeeya Soomaaliya.
“Waa fursad beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale saameynta uu ku leeyahay nidaamka tamarta ee gobolka,” ayuu yiri wasiirku.
Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga, Cagri Bey, uu soo gaaray biyaha dhulka Soomaaliya si uu u bilaabo howlgalka ugu horreeya ee qodista shidaalka badda.
Markabkan ayaa bishii Febraayo ka shiraacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin, waxaana la filayaa inuu bishaan gudaheeda ka bilaabo qodista ceelka Curad-1.
Sanadkii 2024, dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo isugu jira berriga iyo badda. Sidoo kale, markab sahamin ah oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hore u dhammeystiray baaritaanno lagu sameeyay saddex qaybood oo badda ka mid ah.









