LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ilaalada Aadan Madoobe Oo Lagu Eedeeyay Dilal Argagax Leh Oo Ka Dhacay Baydhabo

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa muujinaya caro sii kordheysa oo ka dhex jirta shacabka, taas oo ku wajahan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay go’aamo la sheegay inay sababeen rabshado ku saleysan qabaa’il oo qaarkood sababay dhimasho, dhaawac iyo takoor.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, laba askari ayaa la dilay shalay, waxaana la sheegay in meydadkooda si aad ah loogu xad gudbay lana jarjaray , arrintaas oo dhalisay caro iyo falcelin xooggan oo ka dhex dhalatay bulshada ku nool magaalada Baydhabo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dadka lagu tuhunsan yahay falkaasi ay ka mid ahaayeen ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe, eedeyntaas oo laga soo xigtay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Waxaa walaac xooggan laga muujinayaa amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo oo xumaaday tan iyo markii dowladda ay kala wareegtay magaalada Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen, iyadoo magaalada ay kusii kordhayaan falal liddi ku ah ammaanka.

Ila iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku aaddan eedeymahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *