LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Askar Daacad U Ahayd Laftagareen Oo Si Arxan Darro Ah Loogu Dilay Baydhabo

Warar isa soo taraya oo ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shan askari la toogtay kaddib markii lagu amray inay dhigaan hubkooda, iyadoo falkaan naxdinta leh uu dhacay 30-kii bishii dhammaatay ee Maarso sida ay ogaatay Banaadir24 Online.

Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in askartan lagu qasbay inay hubka dhigaan, iyagoo u hoggaansamay amarkaasi. Kadibna, waxaa la sheegay in saf la galiyay oo indhaha laga xiray kahor inta aan si toos ah loo toogan.

Faahfaahinno dheeraad ah oo aad u naxdin leh ayaa sheegaya in biyo karkaraya lagu shubay meydadka askarta markii la toogtay kadib, fal ay dad badan ku tilmaameen mid ka baxsan bini’aadanimada.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in askartan ay ka tirsanaayeen ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen. Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhow fariisin ciidan oo ku taalla agagaarka hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

Xogaha la helayo ayaa intaas ku daraya in dhacdadan ay dhacday isla maalintii ay ciidamada taageersan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehlinayeen maleeshiyaad la magac baxay ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed ay la wareegeen magaalada Baydhabo, xilli ay jireen xiisado siyaasadeed iyo isbeddello dhinaca awoodda ah.

Dhacdadaan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah falalkii ugu argagaxa badnaa ee muddooyinkii dambe ka dhaca magaalada Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *