Wiil TikTok Caan ka Ahaa oo ka Mid Noqday 8 Ruux oo Al-Shabaab ku Dishay Jilib

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalintii shalay ahayd fagaare ku yaala degmada Jilib dil kula fulisay sideed ruux oo kooxda ay ku eedeeysay Basaasnimo iyo inay qeyb ka ahaayeen duqeyno ka dhacay deegaanada ay ka taliyaan oo lagu dilay xubno muhiima oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo kooxdaasi madax u ah.

Warar soo baxaya oo laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in ragga ay Al-Shabaab toogatay uu ku jiray wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kaasoo lagu magacaabi jiray Muscab Anshax.
Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, dilkan ayaa dhacay habeenimadii Khamiista, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay sheegtay in ninkan uu ku jiray gacantooda tan iyo sanadkii 2024, kaddib markii lagu qabtay gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa ku eedeysay Muscab inuu basaas ahaa, iyagoo ku andacoonaya inuu bixiyay xog keentay in duqeyn lagu dilo mid ka mid ah xubno sare oo ka tirsanaa kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo taageeraysa eedeymahaas. Kooxda Al-Shabaab oo maamusha qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ayaa horey u fulisay dilal la mid ah, kuwaas oo lagu beegsaday dad ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.









