Xog: Saraakiil Iyo Ciidamo Lagu Tuhmay Inay Xiriir La leeyihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka Oo Laga Eryay Madaxtooyada

Warar laga helayo ilo amni iyo xog-ogaal madaxbannaan ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay eriday in ka badan 65 askari oo ka tirsanaa Guutada 77-aad ee ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo isugu jiray saraakiil iyo ciidan caadi ah.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay dhacday maalmihii Arbacada iyo Khamiista, waxana saraakiisha iyo ciidamadaas lagu beddelay kuwo cusub oo la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la tilmaamay in arrintan looga gol leeyahay ka hortagga suurtagalnimada gadood ama amar diido ay sameeyaan saraakiisha iyo ciidamada laga eryay Madaxtooyada maadaama muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026.
Askarta iyo saraakiisha laga eryay xarunta Madaxtooyada ayaa lagu amray inay iska xaadiriyaan Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana sidoo kale laga mamnuucay inay galaan xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.
Ilo kala duwan ayaa Banaadir24 Online, u sheegay in tallaabadan lagu beegsanayo askar lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin siyaasiyiin mucaarad ah oo ku sugan Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka cabsi qaba in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay u janjeeraan dhanka mucaaradka ama ay diidaan fulinta amarada Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo.
Askarta la eryay ayaa lagu beddelay ciidamo cusub oo dhowaan la qoray, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in shaqsiyaad si dhow ula xiriira Madaxtooyada lagu soo daray ilaalada cusub.
Illaa hadda, dowladda Soomaaliya wax war rasmi ah kama aysan soo saarin isbeddelladan lagu sameeyay ilaalada Madaxtooyada. Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa ka digaya in tallaabooyinkan ay kordhin karaan xiisadda siyaasadeed isla markaana ay dhaawici karaan kalsoonida lagu qabo dhexdhexaadnimada hay’adaha ammaanka dalka.









