LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro: Ciidamada Ammaanka Oo Muqdisho Ku Qabtay Mooto Siday Qaraxyo

Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay hub, qaraxyo iyo hoobiyeyaal la doonayay in dalal amni darro looga sameeyo magaalada Muqdisho.

Kadib xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayay xalay abaaro 23:40 PM ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin ay Al-Shabaab rabeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, kuna qalqal-geliyaan amaanka Caasimadda. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada amniga oo Sida la sheegay hayey xogta dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho.

Dhagarqabihii waday Mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo mootada iyo wixii saaraan markii uu ogaaday in la qaban rabo, balse Ciidamada ayaa ayaa la sheegay inay ka hortageen dhagartiisa, waxaana lasoo bandhigay sawirrada Hoobiyeyaasha la qabtay iyo Mootadii Qudaarta siday ee lagu soo dhexqariyey.

Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa shacabka uga mahadceliyey doorka muuqda ee sugidda amniga ay ka qaadanayaan, iyagoo balan-qaaday in habeen iyo maalin ay u taagnaa doonaan ilaalinta amniga, badqabka bulshada iyo ka hortagga dhagaraha cadowga Khawaarijta ah.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *