Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa hadal kulul ka jeediyay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, isagoo si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda uu marayo dalka Somalia aysan Puntland horey ugu diyaarsanayn, balse ay mar walba iska difaaci jirtay xaaladaha dagaal ee soo wajaha. “Xaaladda Somalia meesha ay marayso horay ayaan uga diyaarsanayn, waana isdifaaci jirney, dagaal ayaan galnay. DFS wax ay na tarto iska daaye, iyadii ayaaba ciidamo nagu dhex beertay oo ka shaqaysay ammaan-xumida Puntland,” ayuu yiri wasiir Qarjab. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay dib…
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay si weyn u dooneyso inay heshiis la gaarto maamulkiisa, xilli uu si rasmi ah u dhaqan galay xannibaad uu Mareykanku saaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana ay weli jirto xabbad-joojin jilicsan. Trump ayaa hadalkan ugu sheegay warbaahinta banaanka Aqalka Cad, isagoo xusay in dhinaca kale uu la soo xiriiray Mareykanka, isla markaana uu doonayo heshiis degdeg ah. “Waxaan idiin sheegi karaa in nala soo wacay dhinaca kale. Waxay si aad ah u doonayaan heshiis,” ayuu yiri. Wadahadallo culus oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, kana dhacay magaalada Islamabad ee dalka…
Taliska qeybta Booliiska gobolka Sool ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen eedeysane lagu magacaabo Sadaam Salaad Ibraahim oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa muuqaal anshax xumo oo ku baahay baraha Bulshada. Eedeysanaha ayaa iminka gacanta ugu jira ciidanka Booliiska dowald goboleedka Waqooyi Bari iyagoo sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan gabadha kula jirtay muuqaalka anshax xumada ah eedeeysanaha. Qoraal uu goor dhoweyd soo saaray Taliska qeyb booliiska gobolka Sool ayaa sidaan u qornaa. Hoos ka akhri qoraalka:- Taliska Qeybta G Sool ee Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari ayaa shacabka ku wargelinaya in ciidanku gacanta ku soo dhigay eedeysane…
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in Ciidanka Badda ee Mareykanka ay si degdeg ah u bilaabi doonaan xannibaad lagu sameeyo maraakiibta galaya ama ka baxaya marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kaddib markii wadahadallo xabbad-joojin ah oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhammaadeen guul darro. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa shaaciyay in xannibaaddaasi ay quseyn doonto dhammaan dekedaha Iiraan, isla markaana ay bilaaban doonto Isniinta saacadda 10:00 subaxnimo waqtiga Mareykanka (EDT), oo ku beegan 5:30 galabnimo waqtiga Iiraan. CENTCOM ayaa intaas ku dartay in tallaabadaasi si “dhexdhexaad ah” loogu dabaqi doono maraakiibta dhammaan dalalka. Si…
Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Aqalka Madaxtooyada iskugu yeeray Saraakiisha amniga ee ka howlgala Deegaanada Maamulka DKGS, Isagoo Faray inay dib uga howlgalaan Amaniga Nabadeynta Koonfur Galbeed. Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Wasiirka Wasaarada amniga ee (DGKS) Maxamed Xuseen Xasan, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga KG Maxamed Yare, Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa Magaalada Cabdullahi Cali Watiin, Ciidanka Daraawiishta iyo Booliska Maamulka Koofur galbeed, iyagoo isla gartay…
Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo leh tayo heersare ah, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo casri ah, iyo diyaarado dagaal oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan dunida xilligaan. Tani waxay muujineysaa sida loo diyaariyay awoodda, qalabka iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, oo sanadihii lasoo dhaafay gaaray guulo waaweyn, laguna xoreeyay dhul ay muddo dheer argagixisadu ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay qiime qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay taariikhda, halganka iyo doorka ciidanka ee difaaca dalka, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo horumarinta nolosha ciidanka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan.
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa maanta oo Axad ah sheegay in wafdiga wadaxaajoodka Maraykanka ay ka baxeen dalka Pakistan, kaddib 21 saacadood oo wadahadallo ah oo ay la yeesheen Iiraan oo aan lagu gaarin heshiis. Vance ayaa sheegay in wadaxaajoodyadu ay la kulmeen caqabado, isaga oo xusay in Iran ay diiday inay aqbasho shuruudaha Maraykanka, oo ay ka mid tahay inaysan dhisin hub nukliyeer ah. “Warka xun waa inaan heshiis la gaarin, taasina waxay u badan tahay inay u daran tahay Iiraan marka loo eego Maraykanka,” ayuu yiri Vance. “Waxaan si cad u muujinnay xuduudahayaga cas.” Sidoo kale, Vance…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn iyo wadatashi ah ku qaabilay isimada ka soo jeeda Puntland iyo marti sharaf kale. Isimada kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hoggaaminta dhaqanka iyo mideynta bulshada. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha ka jira deegaannada, baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladda federaalka. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Liibiya, Mudane Daahir Al-Baour. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhexeeya, Wasiirrada ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrimaha tahriibta iyo socdaalka sharci-darrada ah, gaar ahaan dhibaatada haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee mara marinnada halista ah. Wasiir Cabdisalaan ayaa mar kale ku celiyey inay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan iyo kuwa dadka ka ganacsada ee dhibaatada u geysta muwaadiniinta. Sidoo kale, labada mas’uul…