Muhoozi oo dib u xusay dagaalladii Muqdisho, Weerarna ku qaaday Turkiga

Taliyaha Ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal muran badan dhaliyay ka jeediyay doorkii dalalka shisheeye ay ku lahaayeen dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2011.
Muhoozi ayaa sheegay in uu “kaligiis dagaal ka galay Muqdisho muddo afar sano ah,” isagoo tilmaamay in xilligaas ay taageero siiyeen oo keliya dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.
“Waxaan Muqdisho ku dagaallamay kaligay muddo afar sano ah, laga bilaabo 2007 ilaa 2011. Dalalka kaliya ee na caawiyay waqtigaas waxay ahaayeen Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska,” ayuu yiri.
Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray dhaliil uu u jeediyay Turkiga, isagoo sheegay in dalkaasi uu si lama filaan ah uga soo muuqday Soomaaliya kaddib 2011, isla markaana uu si kaftan u eg u yiri “waxay u muuqataa inay hore ugu dhuumaaleysanayeen godadka musqulaha.”
Hadalka Muhoozi ayaa si weyn falcelin uga dhallin kara gudaha iyo dibadda, gaar ahaan marka loo eego doorka kala duwan ee dalalka shisheeye ay ka qaateen xasillinta Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Turkiga oo ku aaddan hadalkaasi.









