Author: Banaadir24

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool deegaanno hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan gargaarka ah ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gor Gor, iyagoo ka jawaabaya xaaladda adag ee ka dhalatay abaarta ka jirta deegaannadaasi. Gurmadkan ayaa lagu sheegay mid lagu fuliyay amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkiisu yahay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo qoysaska ay saameeyeen biyo la’aanta iyo cunno yarida. Mas’uuliyiinta hoggaamineysa howlgalka ayaa tilmaamay in ciidanku ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed,…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xuutiyiinta Yemen ayaa digniin adag u dirtay waxa ay ku tilmaamtay “cadowga Israel,” iyadoo uga digtay in ay sii waddo qorshayaal ay ka fulinayso gudaha Soomaaliya. Qoraal rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee Israel ay ku dhawaaqday, taas oo ah magacaabista safiir la sheegay in loo dirayo Hargeysa, ay tahay mid si cad u baalmaraysa sharciga caalamiga ah, isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in dadaallada Israel ee lagu doonayo in gobolka Somaliland looga…

Read More

Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa si adag u beeniyay sheegashooyin isdaba joog ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kuwaas oo la xiriiray marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz iyo xeerarka ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah dejisay ee ku saabsan maraakiibta halkaas ka gudbaya. Qoraal uu Jimcihii ku daabacay barta X, ayuu Qalibaf ku yiri “Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sameeyay toddobo sheegasho hal saac gudaheed, dhammaantoodna waa been.” Hadalka Qalibaf ayaa yimid kaddib markii Trump uu qoraallo ku baahiyay bartiisa Truth Social, isagoo ku andacoonaya in Iiraan ay “ku hasten in aysan mar dambe xirayn marin-biyoodka Hormuz.” Sidoo kale wuxuu…

Read More

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cabdullaahi Warfaa ayaa si adag uga hadlay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabooyin culus laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Safiirka ayaa sheegay in dal kasta oo isku daya inuu farageliyo arrimaha gudaha Soomaaliya ama wax u dhimi karo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka uu wajihi doono cawaaqib adag, oo ay ku jiraan xayiraado suurtagal ah oo lagu soo rogo marin u helidda marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab-el-Mandeb. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado dadaallo lagu cabsi gelinayo xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo la qorsheynayo tallaabooyin sharci iyo amni oo ka dhan ah qaar kamid ah siyaasiyiinta. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in la diyaarinayo go’aanno ay ku jiraan waaranno qabasho, kuwaas oo lagu beegsanayo xubno gaar ah oo mucaarad ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta laga yaabo in lagala laabto ciidamada ilaalada u ah, iyadoo lagu eedeynayo inay haystaan hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashaneyn hay’adaha amniga. Tallaabooyinkan ayaa kusoo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo Madaxweyne Xasan iyo Erdoğan ay dul-istaageen miro-dhalka iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Turkiga oo meel sare gaaray. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo amniga. Labada Madaxweyne…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kimda xildhibaanda Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay dhul boobka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku heyso shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa si adag u cambaareeyay dhul boobka iyo tacadiyada ka dhanka ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo u awood sheegashada shacabka iyadoo la isticmaalayo awood ciidan. Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka:- Waxaan si adag u cambaareynayaa dhulboobka, barakicinta qasabka ah, iyo tacaddiyada maalinlaha ah ee lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho, oo ay maanta ugu dambeysay degmada Deyniile. Xadgudubkan waa mid si weyn uga dhan ah karaamada aadanaha, sharciga, iyo xuquuqda muwaadiniinta. Isticmaalka awood…

Read More

Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa qorsheyneysa inay kumannaan askari oo dheeraad ah u dirto gobolka Bariga Dhexe maalmaha soo socda, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu isku dayayo inuu cadaadis ku saaro dowladda Iiraan si loo gaaro heshiis soo afjara xiisadda toddobaadyada socotay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah. Ciidamada la dirayo waxaa ka mid ah ku dhawaad 6,000 oo askari oo saaran markabka dagaalka ee USS George H.W. Bush iyo maraakiib kale oo ilaalinaya, sida ay sheegeen saraakiil hadda iyo kuwii hore, kuwaas oo qaarkood codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama ay ka hadlayaan dhaqdhaqaaqyo milatari oo xasaasi ah. Sidoo…

Read More

Wararka laga helayo saraakiil iyo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in iska horimaad uu  dhex maray xubno ka tirsan ciidanka booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo askar ka tirsan kuwa Daraawiishta. Sida lagu soo warramayo, qaar ka mid ah askarta Daraawiishta oo ka howlgalayay deegaanka Biyokulule ee u dhow magaalada Boosaaso ayaa la baxsaday hub iyagoo markii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo. Kadibna waxaa loo diray askar kale oo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland si ay u soo qabtaan. Ciidamadii hubka la baxsaday ayaa wadada u galay ciidamadii ka tirsanaa Booliiska Puntland ee loo diray inay iyaga…

Read More

Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa shaacisay in dowladda Talyaaniga aysan dib u cusbooneysiin doonin heshiiska difaaca ee kala dhexeeya Israel. Meloni ayaa sheegtay in xukuumaddeedu ay go’aansatay in la hakiyo cusbooneysiinta heshiiskan oo la sameeyo shantii sanaba mar, iyadoo ku sababeeysay “xaaladda hadda jirta”, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin. Xiriirka u dhexeeya Rome iyo Tel Aviv oo hore u ahaa mid adag ayaa waayadan dambe xumaaday. Toddobaadkii hore, Talyaaniga ayaa u yeeray safiirka Israel ee Rome kaddib markii rasaas digniin ah ay ciidamada Israel ku fureen kolonyo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Talyaaniga ee ku sugan…

Read More