LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Wasiirka Amniga Gudaha Koonfur Galbeed oo La Magacaabay

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha ee maamulkaasi.
Wareegtada ayaa lagu magacaabay Maxamed Xuseen Xasan (John) inuu noqdo Wasiirka Amniga Gudaha, iyadoo lagu saleeyay dastuurka iyo baahida loo qabo xoojinta amniga iyo howlaha wasaaradda.
Sidoo kale, wareegtada ayaa dhaqangashay isla maanta oo ay taariikhdu tahay 08 Abriil 2026, sida lagu caddeeyay qoraalka kasoo baxay xafiiska hoggaamiyaha.










