Author: Banaadir24

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si adag u cambaareeyeen warar sheegaya in Israa’iil ay qorsheynayso inay ergay diblomaasiyadeed u magacowdo waxa loogu yeero “Somaliland”. Bayaan ka soo baxay Agaasinka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ururku uu mar kale xaqiijinayo ixtiraamka buuxa ee uu u hayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo dastuurka Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah. Sidoo kale, Midowga Afrika wuxuu caddeeyay inuusan aqoonsanayn “Somaliland” inay tahay dowlad madax-bannaan. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay kulankii 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali waxaa u xiran saddex dhallinyaro ah kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii ay dhaliileen dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar kale ka hadlay xarigooda isagoo sheegay in dowladdu ay afduub ku heysato saddexdaas dhallinyarada ah. Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan C/Shakuur:- Waxaa si sharcidarro ah weli ugu afduuban taliska waqtigiisu dhammaanayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh dhallinyarada kala ah; Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmarke Maxamed Axmad. Dhallinyaradan oo ka hadlay caddaaladdarrada, musuqmaasuqa, eexda, iyo sadbursiga ayaa la isugu daray hanjabaad, cabburin iyo xabsi. Taliska nugul…

Read More

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in ciidamo and qorshe gaar ah loo geeyay magaalada Jowhar. Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aan waxba ka jirin. “Wararka lagu faafiyay baraha bulshada waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada maanta gaaray Jowhar ay yihiin kuwo loo diray howlgallo amni lagu xaqiijinayo, isla markaana lagu ciribtirayo kooxaha uu ku tilmaamay Khawaarijta. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowlad…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar, iyadoo si weyn u xoojisay joogitaankeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle. Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada cusub ay gaareen garoonka xilli horey halkaasi ugu sugnaayeen Ciidamada Kumaandooska Danab. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid ay dowladda ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto dhaqdhaqaaqyada magaalada Jowhar. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo maalmihii u dambeeyay abaabul ka waday gudaha magaalada. Dowladda ayaa la rumeysan yahay in ay ka hortag u sameyneyso suurtagalnimada…

Read More

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal ay ka mid yihiin Qatar, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Sudan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Mauritania, Urdun iyo Cumaan ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Israel ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u magacowday waxa ay ugu yeertay “Somaliland”. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay si cad ugu xadgudbayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirradu waxay adkeeyeen inay si buuxda u diidan yihiin dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wax u dhimaya madax-bannaanida ama midnimada dalalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay taageeradooda…

Read More

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.008 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad, Farqadiisa 19- aad. Markuu Arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, si loo dardargeliyo nidaamka garsoorka ciidanka. Markuu Arkay: Aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada ciidanimo ee saraakiisha loo xushay xilalkan. Markuu Tixgeliyey: Muhiimadda ay leedahay xoojinta caddaaladda iyo ilaalinta nidaamka qaanuuniga ah ee Ciidamada Qalabka Sida. Markuu…

Read More

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf iyo Agaasimihii hore Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow. Munaasibadda xilwareejinta ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo halbeegyada mudnaanta leh ee la-hirgelin doono mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ay ka mid tahay unugyada muhiimka ah ee sugidda amniga iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada Soohdimaha dalka iyo gundhigga adeegyada asaasiga ah ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan adeegyada baasaboorka iyo dukumiintiyada socdaalka oo ay hay’addu si weyn u ga baahi…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin adag, iyadoo la xiray qaar ka mid ah isgoysyada iyo jidadka muhiimka ah ee laga soo galo caasimadda Muqdisho, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka hubeysan ee ka imaan kara gobollada Shabeellooyinka. Ciidamadii hore ugu sugnaa isgoysyada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa lagu xoojiyay ciidamo dheeraad ah iyadoo qaar kamida isgosysyadaas ay ku suganyihiin ciidamada Kumaandooska Gorgor. Ilo amni ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in lagu joojiyo gaadiid kasta oo laga shakiyo, isla markaana si dhow loola socdo dhaq-dhaqaaqyada laga cabsi qabo inay halis geliyaan amniga magaalada. Tallaabooyinkan ayaa kusoo…

Read More

Taliska militariga ee dalka Iran ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in mar kale la xiray marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kadib markii Mareykanka uu sheegay in dib u furista marin-biyoodkaasi aysan joojin doonin cunaqabateynta badda ee saaran Iiraan, sida ay werisay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim. Iiraan ayaa Jimcihii hore shaacisay inay dib u furtay marin biyoodkaasi si maraakiibta ganacsigu u isticmaalaan inta lagu guda jiro xabbad-joojin socota. Hase yeeshee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto cunaqabateynta badda ee dekedaha Iiraan ilaa laga gaarayo heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjarayo dagaalka. Marin-biyoodka Hormuz,…

Read More

Howlgallo lagu duminaayo dhismayaal laguna barakicinaayo dad shacab ah ayaa maanta ka bilaabmay xaafadda Buulo-Xuubeey ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Villa Baydhabo. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in goobta uu howlgalka ka socdo ay ku taallo xarunta kaydka shidaalka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la sheegay in hore loogu qoondeeyay shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay. Ciidamada ammaanka oo ay weheliyaan dad rayid ah ayaa fulinaya howlgalka, iyagoo bilaabay in ay banneeyaan goobta. Dadka ku noolaa deegaanka, oo isugu jiray qoysas rayid ah iyo askar danyar ah, ayaa la sheegay in laga saarayo halkaasi, iyadoo ay jirto cabasho ku…

Read More