LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Booliiska Waqooyi Bari oo Gacanta ku Dhigay Eedeysane Lagu Eedeeyay Faafinta Muuqaal Anshax Xumo ah

Taliska qeybta Booliiska gobolka Sool ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen eedeysane lagu magacaabo Sadaam Salaad Ibraahim oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa muuqaal anshax xumo oo ku baahay baraha Bulshada.

Eedeysanaha ayaa iminka gacanta ugu jira ciidanka Booliiska dowald goboleedka Waqooyi Bari iyagoo sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan gabadha kula jirtay muuqaalka anshax xumada ah eedeeysanaha.

Qoraal uu goor dhoweyd soo saaray Taliska qeyb booliiska gobolka Sool ayaa sidaan u qornaa.

Hoos ka akhri qoraalka:-

Taliska Qeybta G Sool ee Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari ayaa shacabka ku wargelinaya in ciidanku gacanta ku soo dhigay eedeysane Sadam Salaad Ibraahim, kaas oo ku eedeysan faafinta muuqaal ka hor imanaya anshaxa guud, asluubta bulshada, Waqooyi Bari iyo qiyamka suuban ee Islaamka, muuqaalkaas oo lagu baahiyey baraha bulshada.

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta hay’adaha amniga, waxaana si rasmi ah loogu wareejin doonaa hay’adaha ku shaqada leh sharciga iyo garsoorka anshax marinta si loo mariyo nidaamka caddaaladda ee u degsan falalkan.

Dhanka kale, ciidanku waxay weli wadaan baadi-goobka gabadha kale ee ku jirtay muuqaalka, iyadoo hawlgallada lagu raad-joogo ay si buuxda u socdaan si loo dhammaystiro baarista iyo habraacyada sharciga.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa mar kale uga digaya dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada in laga fogaado falal kasta oo dhaawacaya anshaxa, akhlaaqda, iyo qiyamka bulshada, isagoo adkeeyay in cid kasta oo ku lug yeelata ficillo noocan ah lala tiigsan doono sharciga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *