
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay si weyn u dooneyso inay heshiis la gaarto maamulkiisa, xilli uu si rasmi ah u dhaqan galay xannibaad uu Mareykanku saaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, isla markaana ay weli jirto xabbad-joojin jilicsan.
Trump ayaa hadalkan ugu sheegay warbaahinta banaanka Aqalka Cad, isagoo xusay in dhinaca kale uu la soo xiriiray Mareykanka, isla markaana uu doonayo heshiis degdeg ah. “Waxaan idiin sheegi karaa in nala soo wacay dhinaca kale. Waxay si aad ah u doonayaan heshiis,” ayuu yiri.
Wadahadallo culus oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, kana dhacay magaalada Islamabad ee dalka Pakistan, ayaa dhammaaday dhammaadkii toddobaadka iyada oo aan wax heshiis ah la gaarin. Si kastaba, ilo diblomaasiyadeed oo Mareykan iyo Carab ah ayaa sheegay in labada dhinac ay weli ku jiraan xaalad wada xaajood.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Pakistan ay weli gudbineyso farriimo u kala gooshaya Tehran iyo Washington, iyadoo wadahadalladu mararka qaar noqdeen kuwo kulul, balse la filayay in lagu dhow yahay heshiis hordhac ah.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadyo ka taagan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, iyo qiimaha hantida Iiraan ee la xayiray ayaa hor istaagay in heshiis la gaaro.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa xaqiijiyay in dadaallada lagu xallinayo arrimahaasi ay weli socdaan, isagoo sheegay in la wado isku dayo buuxa oo lagu doonayo in lagu gaaro xal.
Dhanka kale, xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee jilicsan ayaa u muuqata mid weli shaqeyneysa, inkastoo lagu guuldarreystay in heshiis laga gaaro wada-hadalladii ka dhacay Islamabad.









