Puntland oo qeylo-dhaan kasoo saartay Ciidamada la geeyay deegaanadeeda, Kuna dhawaaqday…

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa hadal kulul ka jeediyay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, isagoo si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda uu marayo dalka Somalia aysan Puntland horey ugu diyaarsanayn, balse ay mar walba iska difaaci jirtay xaaladaha dagaal ee soo wajaha.
“Xaaladda Somalia meesha ay marayso horay ayaan uga diyaarsanayn, waana isdifaaci jirney, dagaal ayaan galnay. DFS wax ay na tarto iska daaye, iyadii ayaaba ciidamo nagu dhex beertay oo ka shaqaysay ammaan-xumida Puntland,” ayuu yiri wasiir Qarjab.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay dib uga fiirsan doonto mustaqbalka xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka, isagoo xusay in meel aan wax taageero ah laga helin aysan mudneyn in lagu sii tiirsanaado.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan wax gacan ama gurmad ah ka geysan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo geysay deegaano ka tirsan Puntland oo iminka laga cabsi inuu ka dhaco dagaal u dhexeeya labada ciidan.









