Mareykanka oo ku dhawaaqay xannibaad badeed oo ka dhan ah Iiraan kadib wadahadalladii fashilmay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in Ciidanka Badda ee Mareykanka ay si degdeg ah u bilaabi doonaan xannibaad lagu sameeyo maraakiibta galaya ama ka baxaya marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kaddib markii wadahadallo xabbad-joojin ah oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhammaadeen guul darro.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa shaaciyay in xannibaaddaasi ay quseyn doonto dhammaan dekedaha Iiraan, isla markaana ay bilaaban doonto Isniinta saacadda 10:00 subaxnimo waqtiga Mareykanka (EDT), oo ku beegan 5:30 galabnimo waqtiga Iiraan. CENTCOM ayaa intaas ku dartay in tallaabadaasi si “dhexdhexaad ah” loogu dabaqi doono maraakiibta dhammaan dalalka.
Si kastaba ha ahaatee, taliska ayaa caddeeyay in maraakiibta u kala gooshaya dekedo aan Iiraan ahayn loo oggolaan doono inay sii maraan marin biyoodka, taasoo ka dhigan hoos u dhac ku yimid hanjabaaddii hore ee Trump ee ahayd in gebi ahaanba la xannibo marinka muhiimka ah.
Trump ayaa doonaya inuu wiiqo awoodda istaraatiijiga ah ee Iiraan, isagoo hore ugu baaqay in marinka dib loogu furo gaadiidka caalamiga ah.
Inkastoo xabbad joojinta dhawaan la gaaray, haddana dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa weli xaddidan. Xogaha la socodka maraakiibta ayaa muujinaya in ka badan 40 markab oo ganacsi ay ka gudbeen marinka tan iyo markii xabbad-joojinta la bilaabay.
Iiraan ayaa iyaduna ka jawaabtay, iyadoo Ilaalada Kacaanka ay sheegeen in marinka uu weli ku jiro “gacanta buuxda” ee Iiraan, isla markaana uu u furan yahay maraakiibta aan milatariga ahayn. Waxay intaas ku dartay in maraakiibta milatari ay la kulmi doonaan “jawaab xooggan”.
Intii lagu jiray wadahadalladii 21-ka saacadood socday ee ka dhacay Pakistan, militariga Mareykanka ayaa sheegay in laba markab oo burburiyaal ah ay mareen marinka si ay u diyaariyaan howlaha sifeynta miinooyinka, arrin markii ugu horreysay dhacday tan iyo bilowgii dagaalka, balse Iiraan ayaa beenisay.
Khabiir dhanka amniga ah, Andreas Krieg oo ka tirsan King’s College London, ayaa ku tilmaamay qorshaha Trump mid aan macquul ahayn, isagoo sheegay in Mareykanku uusan haysan awood militari oo ku filan oo uu ku gaaro ujeedkiisa, isla markaana ay khasab noqon karto inuu tanaasul ka sameeyo qaar ka mid ah dalabaadka Iiraan.









