Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Isimada Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn iyo wadatashi ah ku qaabilay isimada ka soo jeeda Puntland iyo marti sharaf kale.
Isimada kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hoggaaminta dhaqanka iyo mideynta bulshada.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha ka jira deegaannada, baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo dowladda federaalka.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo iskaashiga joogtada ah ee lala yeesho isimada dhaqanka, si loo xaqiijiyo xasillooni, midnimo, iyo horumar waara oo laga hirgeliyo dalka.










