LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo leh tayo heersare ah, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo casri ah, iyo diyaarado dagaal oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan dunida xilligaan. Tani waxay muujineysaa sida loo diyaariyay awoodda, qalabka iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, oo sanadihii lasoo dhaafay gaaray guulo waaweyn, laguna xoreeyay dhul ay muddo dheer argagixisadu ku dhibaateynaysay shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *