Author: Banaadir24

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii si aan faahfaahsaneyn u shaaciyay inuu kordhiyay xabbad-joojintii u dhexeysay Mareykanka iyo Iran, saacado yar ka hor inta uusan heshiiskaasi dhicin, taasoo mugdi sii gelisay mustaqbalka wadahadallada nabadeed ee labada dal. Trump ayaa sheegay in go’aanka kordhinta uu ku yimid codsi uga yimid Taliyaha Ciidamada Pakistan, Asim Munir, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Shehbaz Sharif. Wuxuu xusay in dowladda Iran ay “si weyn u kala qeybsan tahay” isla markaana u baahan tahay waqti ay ku soo bandhigto “soo-jeedin mideysan”. Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad, ayuu Trump ku yiri: “Waxaan sidaas darteed faray ciidamadeenna inay sii…

Read More

Shirkadda maraakiibta caalamiga ah ee Maersk ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u joojisay qaadashada dalabaadyada cusub ee badeecadaha u socda iyo kuwa ka imanaya Dekedda Berbera, taas oo si lama filaan ah u hakisay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dekeddaasi. War-saxaafadeed ay shirkaddu u dirtay macaamiisheeda ayay ku sheegtay in go’aankan uu dhaqan galay isla markiiba, isla markaana uu yahay mid ku meel gaar ah. “Waxaan idinla socodsiineynaa in, laga bilaabo hadda, iyo sababo la xiriira isbeddel ku yimid jadwalka maraakiibta, ay shirkaddu si ku-meel-gaar ah u joojisay qaadashada dalabaadyada cusub ee u socda kana imanaya Dekedda Berbera,” ayay…

Read More

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya ay ka dhasheen warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu taageeray Sheekh Aadan Madoobe, oo kasoo jeeda gobolka Bakool, inuu noqdo musharrax loo riixayo xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in xaaladda Baydhabo ay si degdeg ah isu beddelayso, iyadoo ay kordhayaan walaacyada la xiriira suurtagalnimada qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca magaalada iyo guud ahaan deegaannada ku xeeran. Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in saddex beelood oo si weyn…

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay qaaday dowladda Israa’iil ee ku aaddan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo dhulka loo yaqaan “Somaliland,” oo uu sheegay inay si buuxda uga mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Baghaei ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muujinaysa qorshe joogto ah oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku wiiqdo xasilloonida dalalka Islaamka isla markaana ay ku abuurto kala qeybsanaan ka dhex dhalata wadamada gobolka. Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in, “Tallaabadan sharci darrada ah ay si cad u jebinayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah, islamarkaana…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay in uu ka muujiyay walaac xooggan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan xubno ka tirsan golaha Mustaqbalka, gaar ahaan kuwa wadaaga saami qeybsiga siyaasadeed, kuwaas oo qorsheynaya kulamo iyo is-aragyo ay la yeeshaan bulshada ay metelaan kahor 15-ka May. Wararka ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay uu madaxweynuhu isku dayay in uu la xiriiro xubnaha mucaaradka, si uu ula yeesho kulamo kuwa kedis ah iyo kuwa furanba hase yeeshee dadaalladaasi aysan u hirgelin sidii uu rajeynayay. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in madaxweynaha uu wajahayo cadaadisyo isa soo taraya oo la…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD), Avv. Burhaan Aadan Cumar, isagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed qodobadan soo socda: 1. Tallaabo kasta oo maamul, magacaabis ama dhaar ah oo ay fulinayso hay’ad dowladeed waa in lagu saleeyaa axkaamta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa Dastuurka waa waxba kama jiraan, waxaana waajib ah in la saxo si ay u noqoto mid sharci waafaqsan. 2. Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka…

Read More

Warbaahinta garsoorka Iiraan ayaa sheegtay in labo nin oo lagu helay dambiyo la xiriira basaasnimo iyo qorsheynta weerarro gudaha dalka lagu fuliyay dil toogasho ah maalintii shalay oo Axad ahayd. Wakaaladda wararka ee Mizan ayaa sheegtay in raggan, oo lagu kala magacaabo Mohammad Masoum Shahi iyo Hamed Validi, lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen shabakad basaasiin ah oo xiriir la leh hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Sida lagu sheegay warbixinta, eedeysanayaashan ayaa la tuhunsanaa inay tababar ku soo qaateen dibadda, gaar ahaan gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, iyagoo la sheegay inay diyaarinayeen falal amni darro oo ay ka fuliyaan gudaha Iiraan.…

Read More

Waxaa xalay ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo cutubyo hubeysan iyo madaafiic culus lagu arkay goobo istiraatiiji ah oo kamid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Ilo milatari ayaa Banaadir24, u sheegay in dhaqdhaqaaqan milatari uu qeyb ka yahay dadaallo ballaaran oo dowladda ay ku xoojinayso gacanta ay ku hayso degmooyinka muhiimka ah ee caasimadda, xilli ay jiraan walaacyo la xiriira suurtagalnimada qalalaase amni ama kala jabka ciidamada oo laga cabsi qabo in qaarkood ay la saftaan siyaasiyiinta Mucaaradka kana soo horjeestaan muddo kororsiga uu qorsheeyay Madaxweyne Xasan Sheekh…

Read More

Wiil da’diisu ku dhowdahay 20 sano ayaa lagu arkay magaalada Muqdisho isagoo xiran darajada Korneyl buuxa, arrintaas oo dhalisay su’aalo la xiriira saxnaanta iyo hannaanka lagu bixiyo darajooyinka sare ee ciidamada. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in wiilkan yar uu helay darajada sare ee Korneylka, taasoo caadiyan u baahan khibrad ciidan oo dheer iyo sannado badan oo adeeg ah. Sida caadiga ah, qofka gaara darajada Korneyl buuxa waxa laga rabaa ugu yaraan 18 ilaa 20 sano oo shaqo ciidan ah, oo ay weheliso waayo-aragnimo hawlgallo iyo tababarro xirfadeed oo joogto ah. Falanqeeyayaal iyo kormeerayaal arrimaha ammaanka ah ayaa ku doodaya…

Read More

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa, ka duulaya xog sirdoon oo la helay, howlgal qorsheysan oo loogu magac daray “WAABARI” ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka oo dhacay 18-ka Abriil 2026, abaaro 9:00 subaxnimo, ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada iyo qeybta Baarista Dembiyada (CID), iyagoo bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda Khawaariijta ku dhibaateyn jireen shacabka. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan bar kontorool iyo xarun ay maleeshiyaadkaasi uga qaadi jireen lacagaha baadda ah dadka rayidka ah ee isticmaala waddada deegaanka Jambaluul. Intii uu socday howlgalka, waxaa la…

Read More