Author: Banaadir24

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray Ugaaska cusub ee beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo maanta si rasmi ah loogu caleemo-saaray caasimadda Muqdisho. Farmaajo ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay mid muhiim u ah dhaqanka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in hoggaanka dhaqameed uu door weyn ka qaato nabadeynta, xasilinta iyo horumarinta bulshada. Caleemo-saarkan oo maanta dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo lagu tilmaamay mid muujinaysa qiimaha iyo dowrka hoggaanka dhaqanka ee dalka.

Read More

Warar isa soo taraya oo laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socdaan falal dhac baahsan ah, kuwaas oo cabsi iyo walaac ku abuuray shacabka ku nool magaalada. Muuqaal si weyn u faafay ayaa muujinaya haweeney gurigeeda ay weerareen ciidamo la sheegay inay ka tirsanyihiin kuwa dowladda Soomaaliya. Haweeneydan ayaa ku andacootay in intii uu socday weerarkaasi laga qaatay dahab iyo hanti kale oo qiimo leh. Eedeymahan ayaa si degdeg ah u soo jiitay dareenka bulshada iyo siyaasiyiinta, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyo ku aaddan in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo waxa dhabta ah…

Read More

Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegaysa in dowladda Mareykanka ay ka fiirsaneyso dib-u-habeyn iyo hagaajin lagu sameeyo xiriirka kala dhexeeya Eritrea, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in la dabciyo cunaqabateynta saaran dalkaas. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo dib loogu eegayo siyaasadda gobolka Badda Cas. Warbixinta oo soo xiganeysa saraakiil hadda xilal haya iyo kuwo hore, ayaa tilmaamaysa in qorshahan oo weli dib-u-eegis ku jira uu yahay mid lagu doonayo in dib loo furo xiriir diblumaasiyadeed oo heer sare ah oo lala yeesho Eritrea, oo muddo dheer go’doon ku jirtay, isla markaana gacanta ku haysa…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel oo hoostaga Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, una xilsaaran isku duwidda, mideynta, jaangooynta, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee Dowladda Federaalka, si muwaadinku uu u helo adeegyo kala duwan oo isku xiran. Xarunta Adeeg Bixinta ee Halmeel, ayaa u-astaysan isku duwidda adeegyada dowladda iyo mideyntooda, dib-u-habeynta adeegyada adag iyo yareynta lakab-xafiiseedka, fududeynta xog is-dhaafsiga u dhexeeya hey’adaha dowladda, si muwaaddinku uga maarmo in uu hal-xog marar kala duwan iyo goobo kala duwan ku bixiyo. Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka…

Read More

Kismaayo (Banaadir24 Online) — Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed culus oo si toos ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ka digay faragelin ay ku tilmaameen mid khatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida Soomaaliya. Golaha oo kulan degdeg ah ku yeeshay magaalada Kismaayo 23-ka Abriil 2026, ayaa hoosta ka xariiqay in muddadii sharciyeed ee hay’adaha Federaalka ay dhammaatay, iyagoo tixraacaya qodobka 60-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Waxay si cad u sheegeen in Baarlamaanka Federaalka uu waqtigiisu ku ekaaday 14-kii Abriil, halka muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May ee soo socota. Jubaland ayaa si…

Read More

Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 174 dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kuwaas oo soo maray xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada iyo amniga ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil, iyo nolol aad u liidata. Dib u soo celintan Muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan. Arinkaas…

Read More

Warar soo baxaya ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodi ah u iibisay hanti qaran oo ku taalla gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo aan la marin hannaan sharciyeed iyo nidaam maaliyadeed oo hufan. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in tan iyo bilowgii sanadkii 2023 ilaa hadda la xaraashay in ka badan shan dhisme oo diblumaasiyadeed oo ay lahayd Soomaaliya, kuwaas oo ku kala yaallay dalal kala duwan. Goobahan la iibiyey waxaa ka mid ah xarumo safaaradeed, qunsuliyado, guryo ay deganaayeen diblumaasiyiinta, iyo sidoo kale xarumo ay lahayd shirkaddii Somali Airlines. Sida ay ogaatay Banaadir24 Online, habka loo…

Read More

Warar cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu habeeno kahor kulan gaar ah la yeeshay saddex xubnood oo ka tirsan kooxdiisii siyaasadeed ee asalka ahayd, isagoo la wadaagay qorshe la xiriira jihada doorashooyinka dalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in madaxweynuhu qorsheynayo in marka hore la qabto doorashooyinka saddex dowlad goboleed oo muddooyinkii dambe safkiisa ku jiray, kadibna uu bilaabo wadahadal ballaaran oo ku saabsan hanaanka doorashada heer federaal. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu xubnahaasi u sheegay in uu arrintan kala hadli doono dhinacyo uu ku tilmaamay kuwo leh “sharciyad…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalku ay ahmiyad gaar ah siinayso casriyeynta dekadaha dalka, horumarinta iyo ilaalinta arrimaha badda, iyadoo mudnaan la siinayo sugidda amniga badda, dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta bay’adda badda si jiilasha mustaqbalka loogu ilaaliyo kheyraadka ceegaaga Badda soomaaliyeed. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in badda Soomaaliyeed laga dhigo laf-dhabarta koboca dhaqaale ee dalka, iyada oo xoogga la saarayo Sugidda amniga badda Soomaaliyeed, Ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, Dhowrista bay’adda badda…

Read More

Dhaqdhaqaaq ciidan oo sii kordhaya ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo, taasoo cabsi xooggan gelisay shacabka ku nool halkaasi, iyagoo ka welwelsan suurtagalnimada in uu qarxo dagaal hubeysan. Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyay qaybo kamid ah magaalada, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo milatari oo aan caadi ahayn si weyn looga dareemayo gudaha iyo duleedyada Baydhabo. Sidoo kale, waxaa la xaqiijinayaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay xalay ciidamo cusub ka dejisay magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay in lagu xoojinayo ammaanka guud, hase yeeshee tallaabadan ayaa sii kordhisay xiisadda iyo feejignaanta ka jirta magaalada. Dhanka kale,…

Read More