LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Hub Aruursi & Abaabul Ciidan Oo Ka Socda Koonfur Galbeed Kadib Tallaabo Uu Qaaday Xasan Sheekh

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xiisado siyaasadeed oo isa soo taraya ay ka dhasheen warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu taageeray Sheekh Aadan Madoobe, oo kasoo jeeda gobolka Bakool, inuu noqdo musharrax loo riixayo xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in xaaladda Baydhabo ay si degdeg ah isu beddelayso, iyadoo ay kordhayaan walaacyada la xiriira suurtagalnimada qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca magaalada iyo guud ahaan deegaannada ku xeeran.

Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in saddex beelood oo si weyn uga dhex muuqda magaalada Baydhabo Layaan, Hariin iyo Boqolhore ay yeesheen kulamo hoose oo wadatashi ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay kaga arrinsanayaan xaaladda taagan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in beelahaasi ay bilaabeen abaabul ciidan beeleedyo oo laga dareemayo gudaha magaalada iyo hareeraheeda.

Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu rogo mid amni, iyadoo weli aysan jirin wax war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku aaddan eedeymaha iyo wararka la xiriira taageerada la sheegay.

Xaaladda Baydhabo ayaa si dhow isha loogu hayaa, iyadoo bulshada rayidka ah ay ka cabsi qabaan in xiisaddu saameyn ku yeelato xasilloonida magaalada oo horey u martay marxalado kala duwan oo amni iyo siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *