Booliiska oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge Shabaab ah, kuna burburiyay Xarumihii…

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa, ka duulaya xog sirdoon oo la helay, howlgal qorsheysan oo loogu magac daray “WAABARI” ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo dhacay 18-ka Abriil 2026, abaaro 9:00 subaxnimo, ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay Ciidanka Gaarka ah ee La-dagaalanka Argagixisada iyo qeybta Baarista Dembiyada (CID), iyagoo bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda Khawaariijta ku dhibaateyn jireen shacabka.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay burburiyaan bar kontorool iyo xarun ay maleeshiyaadkaasi uga qaadi jireen lacagaha baadda ah dadka rayidka ah ee isticmaala waddada deegaanka Jambaluul.
Intii uu socday howlgalka, waxaa la khaarijiyay horjooge lagu magacaabo Zakariye, oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa jarista boonooyinka lagu qaadi jiray lacagaha baadda ah. Sidoo kale, waxaa lagu dhaawacay laba horjooge oo kale oo kala ah Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa mas’uulka Khawaariijta ee deegaanka Jambaluul, iyo nin kale oo lagu magacaabo Geele oo hoos yimaaday.
Dhanka kale, ciidamada ayaa goobta ka soo qaaday caddeymo muhiim ah oo ay ka mid yihiin boonooyinkii lagu qaadi jiray baadda, hub, iyo mooto uu lahaa horjoogihii la dilay.
Howlgalka “WAABARI” ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan amniga, iyagoo ka jawaabaya cabashooyinka shacabka ee la xiriira baadda sharci-darrada ah ee ay kooxaha Khawaariijta ka qaadaan dadka rayidka ah.










