DUNIDALATEST NEWS

Trump oo kordhiyay xabad joojinta & War culus oo kasoo yeeray Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii si aan faahfaahsaneyn u shaaciyay inuu kordhiyay xabbad-joojintii u dhexeysay Mareykanka iyo Iran, saacado yar ka hor inta uusan heshiiskaasi dhicin, taasoo mugdi sii gelisay mustaqbalka wadahadallada nabadeed ee labada dal.

Trump ayaa sheegay in go’aanka kordhinta uu ku yimid codsi uga yimid Taliyaha Ciidamada Pakistan, Asim Munir, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Shehbaz Sharif. Wuxuu xusay in dowladda Iran ay “si weyn u kala qeybsan tahay” isla markaana u baahan tahay waqti ay ku soo bandhigto “soo-jeedin mideysan”.

Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad, ayuu Trump ku yiri: “Waxaan sidaas darteed faray ciidamadeenna inay sii wadaan go’doominta… waxaana kordhinayaa xabbad-joojinta ilaa inta ay soo gudbinayaan soo-jeedintooda.”

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa sheegtay in Iran ay go’aansatay inaysan wafdi u dirin magaalada Islamabad, sababo la xiriira waxa ay ku tilmaantay “dalabaad xad-dhaaf ah” oo uga imaanaya Mareykanka.

Warbixinta Tasnim ayaa intaas ku dartay in Iran ay u aragto ka qeybgalka wadahadallada mid “waqti lumis ah”, iyadoo ku eedeysay Mareykanka inuu caqabad ku yahay gaarista heshiis macquul ah. Sidaas darteed, Iran ayaa shaacisay in aysan la fariisan doonin Mareykanka miiska wadaxaajoodka.

Xabbad-joojinta labada toddobaad socotay ee u dhexeysay Mareykanka iyo Iran ayaa guud ahaan hirgashay, iyadoo siisay Iran fursad neefsasho ah kadib weerarro culus oo ay kala kulantay Mareykanka iyo Israel, iyo sidoo kale xulafada Khaliijka ee Mareykanka oo wajahaya kumannaan gantaallo ballistic ah iyo weerarro diyaarado aan duuliye lahayn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *