Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Muqdisho Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo muhiim u ah dalka, isaga oo soo bandhigay aragtidiisa ku aaddan waxqabadkii dowladdiisa iyo xaaladda siyaasadeed ee haatan jirta. Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisii ay dib-u-habeyn ku sameysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo uu ku tilmaamay mid ka dhigtay ciidan xirfad leh, si joogto ah u mushahar qaata, isla markaana leh awood ay ku gutaan waajibaadkooda amni. Isagoo ka hadlayay dhacdo weerar hore oo lala beegsaday madax sare oo ay ku jireen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Farmaajo…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isaga yimid guud ahaan dhulka soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda togan ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuquraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo daadejinta maamulka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awoodda doorashada hoggaamiyeyaashooda siyaasadda, isaga oo ku booriyay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed in ay garab…
Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa xukun adag ku ridday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambiyo la xiriira argagixiso, kadib markii lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab. Maxkamadda Kahawa Law Courts ayaa ku xukuntay eedeysanaha, Cabdikariim Xasanow Xasan oo loo yaqaan Cali, xabsi dhan 20 sano, kaddib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo la xiriira argagixiso. Dacwadda oo ay hoggaaminaysay Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee Kenya, ayaa waxaa lagu taageeray afar markhaati oo maxkamadda horgeeyay caddeymo culus oo ka dhan ah eedeysanaha. Garsooraha sare Boaz Ombewa, oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa ku riday 10 sano oo xabsi ah…
Diyaarad siday qalab militari ayaa loo diiday inay ka degto garoonka Aden Adde International Airport aroornimadii hore ee Axadda, taasoo dhalisay muran xooggan oo u dhexeeyay saraakiil amni iyo maamulka garoonka. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay adeegsaneysay aqoonsi been abuur ah isla markaana wax laga beddelay xogta ku saabsan halka ay ka timid. Waxaa la rumeysan yahay inay waday sahay militari oo lala xiriirinayo ganacsato hub iyo shaqsiyaad saameyn ku leh magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan amniga dowladda ayaa la sheegay inay ku amreen shirkadda gaarka ah ee maamusha garoonka inay oggolaato degitaanka diyaaradda iyo dejinta xamuulka. Hase yeeshee,…
Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ahaa lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Madaxtooyada. Qoraal uu soo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, ayuu Cabdullaahi ku sheegay in go’aankiisa iscasiladda uu yimid kaddib markii uu tixgeliyey xaaladaha cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka jira. “Waxaan maanta iska casilay xilkii lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo intaas ku daray in ay jiraan caqabado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo adag oo halis gelin kara xasilloonida siyaasadeed iyo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay geeri naxdin leh oo ku timid dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo ku dhintay badda u dhexeysa dalalka Aljeeriya iyo Spain. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xaqiijiyay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen shilkaasi, xilli ay isku dayayeen inay si tahriib ah ugu gudbaan qaaradda Yurub. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’addu ay hayso sawirrada qaar ka mid ah dhallinyarada geeriyootay, isla markaana uu ugu baaqay eheladooda inay la soo xiriiraan si loo xaqiijiyo aqoonsigooda. “Waxaa na soo gaaray geeri aad u murugo badan oo ka dhacday badda…
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Jeneraal Shub la filayo inuu maanta gaaro degmada Doolow, arrin si weyn loo hadal hayo oo la aaminsan yahay inaysan u roonayn dowladda federaalka Soomaaliya oo horey xabsi guri u galisay kadibna sii deysay markii dambe. Shalay aroortii hore, wafdi ka socday maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray Doolow. Wafdigan waxaa hoggaaminayay afhayeenkii hore iyo Wasiirka Amniga maamulkaasi inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarkooda ay ku tageen Doolow. Dhaqdhaqaaqyadan is barbar socda ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku shareerayaan xiisadaha…
Wararka laga helayo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan oo taabacsan maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay dhaqdhaqaaqyo militari ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo oo maamihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen kadib markii ay halkaasi gaareen dhawaan. Ilo deegaanka ah iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadan ay u jihaysteen dhanka gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda. Maalmihii la soo dhaafay, tuulooyin dhowr ah oo ku hareereysan Baydhabo ayaa lagu arkayay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo ay wadaan xoogag daacad…
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaan wax dhaawac ah kasoo gaarin, iyadoo sidoo kale saraakiil sare oo kale si nabad ah looga saaray casho sanadle ah oo ay qabanayeen wariyeyaasha Aqalka Cad habeenkii Sabtida, kadib dhacdo uu Adeegga Sirdoonka Mareykanka ku tilmaamay “weerar rasaaseed.” Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in aysan jirin cid si degdeg ah loogu xaqiijiyay inay ku dhaawacantay dhacdadaasi. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in rasaasta laga maqlay bannaanka hoolka lagu qabtay xafladda, halkaas oo Madaxweynaha iyo marti sharaf kale ay fadhiyeen. Ciidamada Ammaanka iyo hay’ado kale ayaa si degdeg ah u hareereeyay goobta, gaar ahaan hoteelka Washington Hilton, iyadoo…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay Dhiggiisa Saldanadda Cumaan Mudane Sayid Badr bin Hamad Al Busaidi. Kulanka oo ka shacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Cumaan oo ku taalo magaalada Muscat ayey labada wasiir wadahadalladooda diiradda ku saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga, si loo adkeeyo iskaashiga soo jireenka ah iyo danaha wadaagga ah ee labada dal ee walaalaha ah. Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay…