LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Iiraan oo si caro leh uga falcelisay tallaabada Israa’iil ay Safiir Ugu Magacaawday Somaliland

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay qaaday dowladda Israa’iil ee ku aaddan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo dhulka loo yaqaan “Somaliland,” oo uu sheegay inay si buuxda uga mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Baghaei ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muujinaysa qorshe joogto ah oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku wiiqdo xasilloonida dalalka Islaamka isla markaana ay ku abuurto kala qeybsanaan ka dhex dhalata wadamada gobolka.

Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in, “Tallaabadan sharci darrada ah ay si cad u jebinayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah, islamarkaana ay weerar toos ah ku tahay madax-bannaanida, xorriyadda iyo midnimada dhuleed ee dal madax-bannaan.”

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan ka hortagga waxa uu ku tilmaamay sharci-darro, fiditaan iyo faragelin ay Israa’iil ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *