LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG CULUS: Xasan Sheekh oo wajahaya cadaadis siyaasadeed, Maxaa ka socda Muqdisho?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay in uu ka muujiyay walaac xooggan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan xubno ka tirsan golaha Mustaqbalka, gaar ahaan kuwa wadaaga saami qeybsiga siyaasadeed, kuwaas oo qorsheynaya kulamo iyo is-aragyo ay la yeeshaan bulshada ay metelaan kahor 15-ka May.

Wararka ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay uu madaxweynuhu isku dayay in uu la xiriiro xubnaha mucaaradka, si uu ula yeesho kulamo kuwa kedis ah iyo kuwa furanba hase yeeshee dadaalladaasi aysan u hirgelin sidii uu rajeynayay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in madaxweynaha uu wajahayo cadaadisyo isa soo taraya oo la xiriira cabashooyin dhul oo cirka isku shareeray, kuwaas oo gaaray heer lagu wargeliyay qaar kamid ah dadka haysta dukumiintiyo hore in dib-u-cusboonaysiin lagu sameynayo, isla markaana laga doonayo lacago gaaraya $30,000, arrintaas oo laga cabsi qabo in ay dhaliso caro iyo kacdoon cusub.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa la sheegay in uu saaxiibadiisa siyaasadda u sheegay in ajandihiisa ugu weyn uu yahay sugidda amniga Muqdisho. Si kastaba, waxaa jira cabsi uu ka qabo in haddii ay dhacaan banaanbaxyo, ay taasi horseedi karto diidmo siyaasadeed oo si toos ah u wiiqi karta awooddiisa.

Madaxweynaha ayaa hadda wajahaya caqabado isku dhafan oo ay ka mid yihiin maaraynta cabashooyinka dhul-boobka, dhismaha hoggaan daacad u ah oo ka jira magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo, iyo sidoo kale xakameynta dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee laga cabsi qabo in ay saameyn amni ku yeeshaan Muqdisho wixii ka dambeeya 15-ka May.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *