Author: Banaadir24

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dalku galay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta, kaas oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu soo xirmay kulankii heerka sare ahaa ee looga hadlayay Xoogga la saarayo Afrika (29–30 Abriil 2026), halkaas oo Soomaaliya looga aqoonsaday inay tahay waddan u taagan casriyeynta iyo hoggaaminta isbeddelka duulista ee Gobolka. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta nidaamkan lacag-bixineed ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay qaranka,…

Read More

Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Federaalka, la-taliyeyaal hore oo Madaxweynaha la soo shaqeeyay, iyo saraakiil dhowaan xilalka laga qaaday, kaas oo la xiriira cidda xaqa u leh maamulidda xarunta adeeg-bixinta caafimaad ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wararka la helayo ayaa sheegaya in murankan uu soo ifbaxay sannadkii u dambeeyay, gaar ahaan kaddib markii qaar ka mid ah masuuliyiintii xilalka ka degay ay bilaabeen inay si gaar ah ugu loolamaan ka faa’iidaysiga xaruntan oo ah meel dhaqaale badan laga helo. Laba shirkadood oo kala ah Blue Light Medical iyo MediLab ayaa si…

Read More

Muqdisho Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa si cad uga horyimid howl burburin ah oo ka socotay magaalada Muqdisho, isagoo hub gacanta ku sita ku difaacayay hoygiisa xilli ay socdaan dadaallo lagu duminaayo dhismayaal ku yaalla degmada Xamar Jajab. Jeneraal Dhagacaleen, oo muddo dheer ka tirsanaa hay’adaha amniga dalka, ayaa ku sugnaa gurigiisa aroortii hore ee Khamiista, xilli ay goobta soo gaareen ciidamada iyo shaqaale fulinayay amarka burburinta. Goobjoogayaal ayaa sheegay in jeneraalku uu istaagay afaafka hore ee guriga, kaas oo uu la deggen yahay xubno kale oo ka tirsan laamaha ammaanka, isagoo gacanta ku hayay qori…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo socon doona 29–30 Abriil 2026. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amni ee wadamada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la isla falanqeynayo caqabadaha jira iyo xoojinta iskaashiga sirdoonka. Taliyaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, xaaladda guud ee gobolka, iyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta sirdoonka. Sidoo kale, waxa uu xusay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo soo kabashada Ciidanka XDS. Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa uga mahadceliyay wufuudda…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale adkaysay istaraatiijiyadda amni ee loo bixiyey “Qorshaha Qaansada Muqdisho”, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyey aagag muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, xilli ay jirto cabsi laga qabo dhaqdhaqaaqyo mucaarad oo la filayo inay soo kordhaan wixii ka dambeeya 15-ka May. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xakamaynta amniga guud ee magaalada, iyadoo la kordhiyey goobaha laga hago howlaha amniga iyo joogitaanka ciidanka. Dowladda ayaa sidoo kale bilowday tallaabooyin adag oo lagu yareynayo dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee ka jira gudaha caasimadda. Wararka ayaa sheegaya in jidadka muhiimka ah ee…

Read More

Saraakiisha federaalka Mareykanka ayaa Talaadadii fuliyay in ka badan 20 amar baaritaan maxkamadeed oo laga sameeyay magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo qayb ka ah baaritaan socda oo la xiriira musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay inuu ka dhacay barnaamijyada bulshada ee ay maalgeliso dowladda.   Howlgalladan oo si isku dubbaridan loo fuliyay ayaa lagu beegsaday ganacsiyo lala xiriirinayo bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay muujinayaan dadaal sii xoogeysanaya oo ay dowladda federaalku ku doonayso in ay wax uga qabato ku takri falka lacagaha canshuur bixiyeyaasha.   Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Hay’adda Baarista Federaalka (FBI) iyo laanta Homeland Security Investigations ay fuliyeen…

Read More

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadkan dib u bilaabay xiriirro ay la sameynayaan Madaxtooyada Federaalka iyo mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka, iyagoo ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa hanaanka doorashooyinka ee dalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamadan diiradda lagu saarayo sidii loo gaari lahaa heshiis doorasho oo wadar ogol ah, kaas oo ay ku qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga gudbo marxaladda kala guurka ee adag. Qaar ka mid ah wakiilada caalamiga ah, gaar ahaan kooxda loo yaqaano “afarta awooda leh”, ayaa la kulmay saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo u gudbiyay muhiimadda ay leedahay…

Read More

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku ammaanay odayaasha dhaqanka ee si geesinimo leh runta ugu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay mudan tahay bogaadin iyo dhiirrigelin. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhanka kale dhaliil u jeediyay qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah, oo uu sheegay in ay ku shaqeeyaan “daacadnimo kiraysan” ama ay ka aamusan yihiin xaaladaha jira sababo la xiriira dano gaar ah. Wuxuu xusay in siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, culimo, ganacsato, suxufiyiin, abwaanno iyo fanaaniin badan ay ka gaabiyeen doorkii laga sugayay. “Nasiib darro, in badan oo ka mid ah…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyay magaalada Badhan, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga bilaabo 15-ka May aysan jirin dowlad Federaal ah oo xal iyo waxqabad laga sugo. Deni ayaa tilmaamay in Puntland ay mustaqbalka ku tiirsanaan doonto wada-shaqayn dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo waxgaradka dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ka mid noqon doonto dadaalladaas. “Laga bilaabo 15-ka bisha soo socota majirto dowlad Federaal ah oo wax laga sugayo, dadka Soomaaliyeed ayay Puntland la kaashanaysaa xalka dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay…

Read More

Madal uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay waxaa ka soo baxay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan doorka ay Isimadu ku leeyihiin siyaasadda dalka, kaddib hadal uu jeediyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Garaadka ayaa sheegay in laga doonayo Isimada dhaqanka inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, isla markaana ay xoogga saaraan sidii ay dowladda Federaalka ugala shaqeyn lahaayeen horumarinta dalka. Hadalkiisa ayaa loo arkayay mid garab siinaya mowqifka madaxweynaha, xilli ay jireen talooyin hore oo Isimo kale u jeediyeen hoggaanka dalka. Isimo ka hor hadlay madasha, oo uu ku jiro Imaam Daahir Imaam, ayaa…

Read More