Dowladda Federaalka oo Dhul boobka ku dartay guryaha Saraakiishii usoo halgamay dalka & Fadeexad ka dhalatay

Muqdisho Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa si cad uga horyimid howl burburin ah oo ka socotay magaalada Muqdisho, isagoo hub gacanta ku sita ku difaacayay hoygiisa xilli ay socdaan dadaallo lagu duminaayo dhismayaal ku yaalla degmada Xamar Jajab.
Jeneraal Dhagacaleen, oo muddo dheer ka tirsanaa hay’adaha amniga dalka, ayaa ku sugnaa gurigiisa aroortii hore ee Khamiista, xilli ay goobta soo gaareen ciidamada iyo shaqaale fulinayay amarka burburinta. Goobjoogayaal ayaa sheegay in jeneraalku uu istaagay afaafka hore ee guriga, kaas oo uu la deggen yahay xubno kale oo ka tirsan laamaha ammaanka, isagoo gacanta ku hayay qori nooca AK-47 ah, arrin aan caadi ka ahayn sarkaal heerkiisa ah.
Is-horimaadkan ayaa abuuray xiisad xooggan, wuxuuna si toos ah u iftiiminayaa dhul boobka ay waddo dowladda oo xargaha goostay.
Dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa si kulul u dhaliilay habka ay dowladda u waddo burburinta, iyagoo ku eedeeyay inay ku kacayso boob dhul iyo ku takri-fal awoodeed, halkii ay ilaalin lahayd xuquuqda muwaadiniinta. Waxaa sidoo kale la sheegay in tallaabooyinkan lagu fulinayo si aan hufnaan iyo sharci cad lahayn.
Dhaliilaha ayaa intaas ku daraya in dowladda aysan ixtiraam u muujin saraakiishii iyo muwaadiniintii naftooda u huray difaaca dalka, taasoo dhalisay caro iyo niyad-jab ka dhex aloosan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan kuwa ka tirsan hay’adaha ammaanka.
Arrintan ayaa muujinaysa fashil muuqda oo ka jira maamulka dhulka iyo maaraynta horumarinta magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira cadaalad-darro, kalsooni darro, iyo in dowladda ay ku guuldareysatay inay dejiso hannaan lagu xallin karo murannada dhulka si waafaqsan sharciga iyo wada-tashi bulsho.









