Siciid Deni “ Laga bilaabo 15-ka bisha soo socota majirto dowlad Federaal ah”,

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyay magaalada Badhan, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga bilaabo 15-ka May aysan jirin dowlad Federaal ah oo xal iyo waxqabad laga sugo.
Deni ayaa tilmaamay in Puntland ay mustaqbalka ku tiirsanaan doonto wada-shaqayn dhex marta shacabka Soomaaliyeed iyo waxgaradka dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Puntland ay ka mid noqon doonto dadaalladaas.
“Laga bilaabo 15-ka bisha soo socota majirto dowlad Federaal ah oo wax laga sugayo, dadka Soomaaliyeed ayay Puntland la kaashanaysaa xalka dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku filan yahay ilaalinta amniga iyo jiritaanka dowladnimada Puntland, isagoo ku adkeystay in go’aannada la xiriira arrintaas ay yihiin kuwo hore loo qaatey oo aan laga laaban doonin.
Wuxuu intaa ku daray in Puntland ay si adag uga hortagi doonto cid kasta oo uu sheegay inay isku daydo falal lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida, isagoo fariin u diray dhinacyada uu ku eedeeyay inay hurinayaan khilaafaad siyaasadeed.









