Fadeexad Qaran: Mas’uuliyiin Dowladda Ka Tirsan iyo Kuwo Hore oo Ku Loolamaya Lacagta Caafimaadka Garoonka Muqdisho

Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Federaalka, la-taliyeyaal hore oo Madaxweynaha la soo shaqeeyay, iyo saraakiil dhowaan xilalka laga qaaday, kaas oo la xiriira cidda xaqa u leh maamulidda xarunta adeeg-bixinta caafimaad ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in murankan uu soo ifbaxay sannadkii u dambeeyay, gaar ahaan kaddib markii qaar ka mid ah masuuliyiintii xilalka ka degay ay bilaabeen inay si gaar ah ugu loolamaan ka faa’iidaysiga xaruntan oo ah meel dhaqaale badan laga helo.
Laba shirkadood oo kala ah Blue Light Medical iyo MediLab ayaa si toos ah ugu loolamaya maamulka iyo dakhliga ka soo xarooda adeegyada caafimaad ee halkaas laga bixiyo. Shirkadahan waxaa kala taageeraya xubno ka tirsan xukuumadda, agaasime dhowaan xilka laga qaaday, iyo la-taliye madaxweyne oo is casilay maalmo ka hor, sida ay ogaatay Banaadir24 Online.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in muranka uusan ku koobnayn gudaha dalka oo keliya, balse uu gaaray heer dibadda ah, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen saameyn iyo xiriirro ka jira mid ka mid ah caasimadaha dalalka deriska, si ay ugu kala awood roonaadaan loolanka.
Khilaafkan ayaa muujinaya tartanka adag ee ka dhex jira masuuliyiinta dowladda iyo kuwa hore uga tirsanaa, gaar ahaan meelaha dhaqaalaha laga helo, iyadoo aysan weli jirin wax xal rasmi ah oo laga gaaray arrintan.









