Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ammaanay Odayaasha runta u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku ammaanay odayaasha dhaqanka ee si geesinimo leh runta ugu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay mudan tahay bogaadin iyo dhiirrigelin.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhanka kale dhaliil u jeediyay qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah, oo uu sheegay in ay ku shaqeeyaan “daacadnimo kiraysan” ama ay ka aamusan yihiin xaaladaha jira sababo la xiriira dano gaar ah. Wuxuu xusay in siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, culimo, ganacsato, suxufiyiin, abwaanno iyo fanaaniin badan ay ka gaabiyeen doorkii laga sugayay.
“Nasiib darro, in badan oo ka mid ah qaybaha bulshada ayaa ku shaqeeya daacadnimo kiraysan, halka kuwo kalena ay aamuseen iyagoo ka cabsanaya danahooda gaarka ah,” ayuu yiri.
Sidoo kale, wuxuu ka digay burbur ku yimid qiyamkii iyo damiirkii bulshada, isagoo tilmaamay in ay sii yaraanayaan dadka ku dhiirrada inay runta sheegaan, isla markaana ka digaan jihada uu dalka ku socdo.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa carrabka ku adkeeyay in badbaadada dalka ay ku xirantahay in runta la sheego, isagoo yiri, “Dal ma badbaado haddii runta laga aamuso, sababtoo ah dan gaar ah ma jiri karto haddii danta guud ay ba’do.”









