Author: Banaadir24

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS ayaa ka digtay fatahaaddo keeni kara qasaare gaara dalagyada iyo dadkaba, iyadoo la tix raacayo astaamaha saadaasha hawada mudada dhow. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS ayaa farriin digniin ah u jeediyay Beeraleyda ku nool meelaha u dhow Wabiga Shabeelle iyo goobaha kale ee leh taariikh saamaynta fatahaadaha. “Cabsi weyn ayaa jirta in fatahaado ay dhici donaanaan marka la fiiriyo saadaasha hawada, anaku karaankeena waxaan u diyaar garoobaynaa dadka fatahaaddu saameyn karto inaan caawino” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa ugu baaqay wasaaradaha Beeraha dowlad goboleedyada dalka inay taxadar…

Read More

Golaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ka qeybgalka wada hadalka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku xirayaan shuruudo adag oo ay u arkaan lama huraan si loo helo kalsooni siyaasadeed. War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in shuruudaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin: 1- In si buuxda loo joojiyo dhammaan howlaha la xiriira doorashooyinka, dhaqdhaqaaq kasta oo dhaawici kara isu imaanshaha siyaasadeed, iyo ajande kasta oo ku saabsan doorashooyinka, haddii la doonayo wada hadal miro dhal ah. 2- In la helo dhexdhexaadiye madax-bannaan oo lagu kalsoon yahay, maadaama ay horey u fashilmeen wareegyo…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar sheegayay in la eryay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay si weyn uga walaacsan yihiin warar been abuur ah oo ku faafay warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in go’aan laga gaaray safiirka Imaaraadka. Wasaaraddu waxay si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu wiiqo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dalalka. Sidoo kale, dowladda ayaa ugu baaqday…

Read More

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo mid kamid ah uu ahaa sarkaal ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen rag hubeysan oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah iyo dad deegaanka ah. Weerarkan ayaa ka dhacay waddada u dhaxeysa Afgooye iyo deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilkan uu la xiriiri karo muran dhuleed iyo xiisado beeleed, inkastoo sababta dhabta ah ee ka dambeysa weerarka weli aysan si cad u caddayn. Saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin faahfaahinta dhacdadan iyo cidda…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ay xalay saqdii dhexe xabsiga u taxaabeen sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Maxamed Garaafow, kaas oo laga qabtay gurigiisa. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in sarkaalka ay isku qabiil yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, islamarkaana ay ciidamo hubeysan ka kaxeeyeen hoygiisa, iyadoo aan ilaa iyo hadda la ogeyn halka lagu hayo. Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli muddooyinkii u dambeeyay ay jireen xarigyo iyo dilal lagu beegsanayo saraakiil iyo ciidamo hore ula soo shaqeeyay Laftagareen. Ilo kala duwan ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay wafdu sare oo ka socday Dawladda Turkiga . Kulan Taliyuhu la qaatay Wafdiga ka socday Turkiga ayaa looga hadlay iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta labada dowladood, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista tababarrada iyo aqoonta Ciidanka Booliiska, gaar ahaan Ciidanka gaarka ah ee Haramcad.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dowladdiisu ay bilaabi doonto hawlgal lagu “xoraynayo” maraakiibta ku xanniban Marinka Hormuz laga bilaabo maalinta Isniinta, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay ka dhigan tahay jebinta xayiraadda ay Iran saartay marin-biyoodkan istaraatiijiga ah. Trump ayaa Axaddii sheegay in hawlgalkan, oo uu ugu magac daray “Project Freedom”, uu ku yimid codsi uga yimid dalal ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin marinka, kuwaas oo uu ku sifeeyey “dalal dhexdhexaad ah oo aan waxba galabsan”. “Danta Iran, Bariga Dhexe, iyo Mareykanka awgeed, waxaan u sheegnay dalalkan in aan si badbaado leh ugu hagi doonno maraakiibtooda si ay uga…

Read More

Xiisad kacsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Berdaale, kaddib markii ay soo baxeen warar tilmaamaya in ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, oo ka yimid gobolka Gedo ay ku sii siqayaan aagaas. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo militari oo ballaaran laga dareemayo duleedka Berdaale, halkaas oo la rumeysan yahay in ciidamadaasi ay doonayaan inay ku muujiyaan awoodooda xilli ay sheegeen inay duulaan ku yihiin magaalada Baydhabo. Sidoo kale, ciidamada dowladda ee dhawaan laga diray magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay dareemayaan culeys iyo walaac sii kordhaya, maadaama ay wajahayaan xaalad aan weli caddayn jihadeeda.…

Read More

Danjiraha dowladda United Kingdom u fadhiya Soomaaliya Charles King, ayaa si faahfaahsan uga hadlay caqabadaha amni ee daran iyo duruufaha adag ee nololeed ee uu kala kulmo caasimadda Muqdisho, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu halista badan ee diblomaasiyiintu ka shaqeeyaan caalamka. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in inta badan subaxyada uu ku tooso dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo helikobtarrada dul heehaabaya magaalada, taasoo muujinaysa xaaladda amni ee weli jilicsan, inkastoo ay dalka ka soo gudbeen tobanaan sano oo colaado ah. Danjiraha ayaa qiray in dhaqdhaqaaqiisa maalinlaha ah si weyn loo xaddiday, isaga oo…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan amni ay mar kale ka soo korortay deegaanada ku dhow magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo aad u tiro badan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo militari oo si toos ah ugu wajahan xarunta gobolka. Ciidamadan oo muddo maalmo ah ku sugnaa deegaanka Boholgaras, ayaa la sheegay in ay halkaas ka wadeen abaabul xooggan iyo diyaar-garow militari, iyadoo ilo deegaanka ah ay tilmaamayaan in ujeedkoodu ahaa weerar qorsheysan oo lagu qaado magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Wararka hadda soo…

Read More