FBI-da Mareykanka oo Weerartay Goobo Ganacsi oo Soomaali lala Xiriirinayo

Saraakiisha federaalka Mareykanka ayaa Talaadadii fuliyay in ka badan 20 amar baaritaan maxkamadeed oo laga sameeyay magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo qayb ka ah baaritaan socda oo la xiriira musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay inuu ka dhacay barnaamijyada bulshada ee ay maalgeliso dowladda.
Howlgalladan oo si isku dubbaridan loo fuliyay ayaa lagu beegsaday ganacsiyo lala xiriirinayo bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay muujinayaan dadaal sii xoogeysanaya oo ay dowladda federaalku ku doonayso in ay wax uga qabato ku takri falka lacagaha canshuur bixiyeyaasha.
Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Hay’adda Baarista Federaalka (FBI) iyo laanta Homeland Security Investigations ay fuliyeen 22 amar baaritaan, iyagoo carrabka ku adkeeyay in howlgalkani uu la xiriiro eedeymo musuqmaasuq, balse uusan wax xiriir ah la lahayn arrimaha socdaalka.
Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in baaritaannadu diiradda saarayaan waxa ay ku tilmaamtay “musuqmaasuq baahsan oo lagu lunsaday lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka,” inkastoo aysan si faahfaahsan u shaacin cidda lala beegsaday ama barnaamijyada gaarka ah ee la baarayo.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo masuuliyiinta gobolka Minnesota. Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kadib olole tarxiil iyo xarig ah oo hore loogu qaaday dad muhaajiriinta ah ee gobolka, kaas oo markii dambe la dhimay kaddib markii laba qof ay ku dhinteen.
Afhayeen u hadlay DHS ayaa sheegay in shacabka Mareykanka ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan sida loo adeegsaday lacagtooda, isagoo xusay in baaritaanku uu sii socon doono ilaa xaqiiqda laga gaaro.









