LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo ciidamo dheeraad ah ku daadisay Muqdisho & Mucaaradka oo quus ku dhow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale adkaysay istaraatiijiyadda amni ee loo bixiyey “Qorshaha Qaansada Muqdisho”, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyey aagag muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, xilli ay jirto cabsi laga qabo dhaqdhaqaaqyo mucaarad oo la filayo inay soo kordhaan wixii ka dambeeya 15-ka May.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xakamaynta amniga guud ee magaalada, iyadoo la kordhiyey goobaha laga hago howlaha amniga iyo joogitaanka ciidanka. Dowladda ayaa sidoo kale bilowday tallaabooyin adag oo lagu yareynayo dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee ka jira gudaha caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in jidadka muhiimka ah ee soo gala Muqdisho la adkeyn doono, iyadoo la xadidayo dhaqdhaqaaqa hubka, isla markaana la mamnuucay in ciidamo wata hub culus ay si xor ah ugu soo galaan magaalada. Ciidamada ka imaanaya gobollada Shabeelooyinka ayaa la sheegay in si gaar ah loo xakameyn doono.

Qorshaha ayaa sidoo kale ka mid ah howlgallo gaar ah oo lagu beegsanayo shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay haystaan gaadiid dagaal oo aan ka diiwaangashaneyn ciidamada qalabka sida. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah dadkaasi ay hore uga tirsanaayeen dowladda, balse ay dhowaan ka baxeen safka madaxweynaha.

Dhanka kale, dowladda ayaa xayiraad ku soo rogtay banaanbaxyada, iyadoo la sheegay in aan la qaban karin wax isu soo bax ah ilaa oggolaansho rasmi ah laga helo hay’adaha amniga. Waxaa sidoo kale la kordhiyey ciidamada dharcadka ah ee lagu daadiyey xaafadaha ay degan yihiin xubno mucaarad ah, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada gudaha.

Qorshahan cusub ayaa la qorsheeyey inuu socdo illaa bisha September ee sannadkan, iyadoo howlgalada lagu xaqiijinayo amniga laga bilaabi doono degmooyinka darafyada ah ee Muqdisho.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay sugidda amniga caasimadda, balse waxaa jira walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karaan xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *