LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh Iyo Mucaaradka Oo Cadaadis Caalami Ah Wajahaya

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadkan dib u bilaabay xiriirro ay la sameynayaan Madaxtooyada Federaalka iyo mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka, iyagoo ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa hanaanka doorashooyinka ee dalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamadan diiradda lagu saarayo sidii loo gaari lahaa heshiis doorasho oo wadar ogol ah, kaas oo ay ku qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga gudbo marxaladda kala guurka ee adag.

Qaar ka mid ah wakiilada caalamiga ah, gaar ahaan kooxda loo yaqaano “afarta awooda leh”, ayaa la kulmay saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo u gudbiyay muhiimadda ay leedahay in si xikmad leh loo maareeyo xaaladda kala guurka, lana helo doorasho heshiis iyo qanacsanaan buuxda haysata.

Sidoo kale, dhammaadka toddobaadkan ayaa la filayaa in wakiilada caalamiga ah ay la kulmaan mucaaradka Golaha Mustaqbalka, si ay u dhageystaan soo jeedintooda, gaar ahaan baaqooda ku aaddan in la gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay, taas oo horey ay u soo jeediyeen.

Dadaalladan cusub ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka doorashada, iyadoo la filayo in kulamadan ay door weyn ka qaataan dejinta jihada siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *