Ciidamada Xoogga Dalka Oo Khaarijiyay Horjoogihii Al-Shabaab U Qaabilsanaa…

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ururka 95-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim.
Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Walag oo hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo ciidamadu si gaar ah ugu beegsadeen horjoogahan muddo dhibaato ku hayay shacabka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Ibraahim uu Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta baadda laga qaado shacabka ku nool Waajid iyo nawaaxigeeda, isagoo si joogto ah cabsi iyo cadaadis ugu hayay bulshada deegaanka.
Hay’adaha amniga ayaa muddo dheer ku daba jiray dhaqdhaqaaqiisa, ugu dambeyntiina ku guuleystay in ay soo afjaraan.
Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay hub uu watay horjoogaha, oo ay ka mid yihiin qori AK-47 ah iyo boosh.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.










