Madaxweyne hore Farmaajo oo goordhow war soo saaray, cambaareyayna…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga iyo caburinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, isagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay dhaawacayaan xorriyadda hadalka iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka Soomaaliya.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in si sharci-darro ah loo xiray wariyeyaasha kala ah Cabdixaafid Nuur, Maxamed Bulbul iyo Cabdishakuur Maxamed, isaga oo ku tilmaamay arrintaasi “falal is-daba-joog ah oo lagu aamusinayo codadka bulshada iyo saxaafadda madaxa bannaan ee dalka oo maalmihii u dambeeyay wajahayay xarig iyo caga jugleyn uga imaaneysay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
“Maa aha xilli la bartilmaameedsado dadka u taagan gudbinta cabashada iyo duruufaha shacabka,” ayuu yiri Farmaajo, oo xusay in caburinta saxaafaddu ay dhabar-jab ku tahay dowladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga iyo madaxda Dowladda Federaalka inay si deg-deg ah u sii daayaan wariyeyaasha xiran, isla markaana la joojiyo hanjabaadaha iyo cadaadiska lagu hayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya eexda, musuqa iyo barakicinta.









