Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorshe guryo loogu dhisayo dadkii guryahooda laga dumiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe ballaaran oo lagu dhisayo guryo casri ah oo loo sameynayo 12,000 oo qoys, kuwaas oo lagu qiyaasay in ay ka kooban yihiin ku dhowaad 80,000 oo qof, sida uu sheegay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay bixinayso dhulka iyo dhismaha, iyadoo la qorsheynayo in la hirgeliyo xaafado casri ah oo leh adeegyo muhiim ah sida iskuullo, masaajiddo, goobo ganacsi iyo garoomo lagu ciyaaro.
“Dowladda Soomaaliya waxay guryo u dhisi-doontaa 12,000 oo qoys oo qiyaastii noqoneysa 80,000 oo qof. Dhulka iyo dhismaha oo ay dowladdu bixineyso waxaa laga dhisayaa guryo dabaqadda dhexe ah oo leh schoolo, masaajid, garoomo iyo ganacsi,” ayuu yiri Wasiir Ayuub Ismaaciil.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Howlaha Guud ay diyaarinayso nidaam casri ah oo lagu diiwaan-gelinayo shacabka guryahooda laga dumiyey, si loo xaqiijiyo dadka xaqa u leh in dib loo dejiyo.
“Wasaaraddu waxay sameyn-doontaa qaab casri ah oo diiwaan-gelin ah, iyadoo guddiyada xaafadaha lagu tira-koobayo dadkii guryaha laga dumiyey, kadibna guri la siinayo markii si sax ah loo ogaado,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Mar uu ka hadlayey dhaliilaha iyo doodaha siyaasadeed ee la xiriira qorshahan, Wasiirka Howlaha Guud ayaa xusay in dowladda aysan shacabka ula dhaqmin qaab dagaal, islamarkaana aysan ka falcelinayn hadallada mucaaradka.
“Shacabka dagaal uma adeegsano, dowladduna aragtida mucaaradka hadla ee soo taagan kama falceliso,” ayuu yiri Wasiir Ayuub Ismaaciil.
Qorshahan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee dib-u-dejinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la filayo in uu wax weyn ka beddelo xaaladda qoysaska barakacay iyo dadka guryahooda waayey.









